WorldRemitAds

Washington, USA, Apirl 15, 2018 (Saxafi) – Mareykanka iyo xulufadiisa Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa shalay weeraray Suuriya iyagoo ka jawaabaya weerarkii Kiimikada ee dowladda Bashar Al Asad ku qaadey magaalada Douma, oo ku dhaw Caasimada Dimishiq.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu amray Ciidamada Mareykanka inay weerar ku qaadaan saldhigyo Ciidamada Suuriya ay leeyihiin, oo looga shakisan yahay in laga soo qaadey weerar Kiimiko ee Douma.

SomlegalAds

Waa maxay Hadafka weerarka Suuriya?

Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, ujeedka weerarka Mareykanka iyo Xulufadiisa ku qaadeen Suuriya ayaa ah in la burburiyo goobaha lagu sameeyo Hubka wax gumaada iyo gantaallada Sunta Gaaska ah ee dowladda Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inaanay u dulqaadan doonin in markale dowladda Suuriya ay Hubka Kiimikada u adeegsato shacabkeeda.

“7-dii bishan April, tobaneeyo rag, dumar iyo caruur isagu jira ayaa lagu xasuuqay Douma, iyadoo loo adegesaday Hubka Kiimikada, oo mamnuuc ka ah caalamka in dagaal loo isticmaalo,” ayuu yidhi Emmanuel Macron.

Imisa Gantaal ayaa lagu tuurey Suuriya?

Wasiirka Difaaca Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in 100 gantaal in ka badan hal mar lagu tuurey saldhigyo iyo goobo cayiman oo ku yaalla dalka Suuriya, gaar ahaan Galbeedka Homa iyo nawaaxiga Dimishiq.

Taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka General Joseph Dunford ayaa xaqiijiyay in weerarku uu isagu jiray cirka iyo badda, balse ma uu sheegin in gantaallada ay ku dhaceen halkii loola dan lahaa.

Dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa sheegay in ku dhawaad 100 gantaal lagu weeraray Suuriya, kuwaasi oo intooda badan hawada lagu qabtey, kadibna dhulka lasoo dhigay.

Waa noocee Gantaallada loo adeegsaday weerarka Suuriya?

Mareykanka ayaa u adeegsaday duqeymaha Suuriya Gantaallada loo yaqaano “Tomahawk cruise missiles” oo laga soo riday Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaal ee fadhiya Badaha Mediterranean iyo Red sea.

Ciidamada Ingriiska ayaa isticmaalay “Storm Shadow missiles” halka Faransiiskuna adeegsaday cruise missile.

Maxay yihiin Goobaha la bartilmaameedsaday?

Weerarka Mareykanka iyo Xulufadiisa ku qaadeen Suuriya ayaa la bartilmaameedsaday Warshado lagu sameeyo, laguna keydiyo Hubka wax gumaada ee “Chemical weopons” oo ku yaalla duleedka Dimishiq Caasimadda Suuriya iyo meel ku dhaw magaalada Homs sida ay ku doodayaan. Laakiin, dhinaca kale waa ay beeniyeen arrintan waxaana ay ku tilmaameen mid marmarsiiyo looga dhigtay dagaalka.

Waa maxay Jawaabta Ruushka?

Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka, Anatoly Antonov ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Xukuumadda Moscow inay difaacdo Dawladda Suuriya, islamarkaana weerarka lagu qaaday ay ka bixin doonaan jawaab ku haboon.

Anatoly Antonov ayaa intaasi ku daray in Ruushka aanu gacmaha laaban doonin, oo soo ridi doono gantaal kasta oo lagu soo tuuro Suuriya, islamarkaana aqbali doonin in meel lagaga dhaco sharafta Madaxweyne Putin. Soo jeedin ka dhan ah weeraradan oo Ruushku u gudbiyay golaha amaanka ayaan helin cod ku fillan, waxaana u codeeyay Russia oo sitay China iyo Bolivia. Laakiin, wadamada kale  sideed ka mid ahi waxaa ay la safteen oo ay ku jiraan kuwa fuliyay US, UK iyo Faransiiska weerarka ayay raaceen. Halka afar ka aamustay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.