WorldRemitAds

Sannadkan dhamaanaya ee 2019-ka waxa dunida laga hir geliyay shan fooq oo ka mid ah dhismayaasha fooqyada ah ee cirka ku shareeran gaar ahaana kuwa afka qalaad loogu yeedho, (Skyscrapers)-ka, kuwaas oo intooda badan laga hirgeliyay magaalooyin aan caan ku ahayn dhismayaasha aadka u dhaadheer.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sida warbixin laga diyaariyay dhismayaasha dhaadheer ee dunida waxa sanadkan dhamaanaya ee 2019-ka dunida laga hirgeliyay, in ka badan 26-fooqyada dhaadheer ee cirka ku shareeran ah, kuwaas oo dherarkoodu kor u dhaafay 980-Feet iyo ka dhaadheer.

Sanadkan dhamaaday wuxuu dhismayaasha dhaadheer iyo mashaariicda waaweyn ee dunida laga hir geliyay uu u ahaa mid aad uga balaadhan sanadihii ka horeeyay, waxaana hir galay in ka badan boqol Mashruuc oo dhismayaasha fooqyada daruuraha u baxay ah.

Sida wargeyska arrimaha ganacsiga iyo mashaariicda waaweyn ka warama ee American Business Insider ku warantay shantii dhisme ee ugu dhaadheera adduunka ee sannadkan dhamaanaya dunida laga hir geliyay ayaa kala ahaa sidan.

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka
Lakhta Center ee magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka

The Lecta Center Ee Magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka. Dhismahan oo laga hirgeliyay magaalada caasimadda labaad ee dalka Ruushka ee Santa Petersburg, waxa lagu wadaa inuu noqdo xarunta guud ee shirkada gaasta iyo shidaalka u qaabilsan dalka Ruushka, (Gazprom), sida wargeysku sheegay dhismahan oo dhererkiisu yahay 1515 dhudhun (Feet), waxa uu noqday ka ugu dheer qaarada Yurub, halka uu ka 12aad ee ugu dheer ka noqonaya dunida.

Dhismahan oo laga hir geliyay meel shan Mayl u jirta faras magaalaha Saint Petersburg, waxa uu nashqadiisu u samaysan tahay sida ololka oo astaan u ah shirkada (Gazprom) oo ka mid ah shirkadaha wax soo saarka shidaalka aduunka ugu waaweyn, laakiin marka meel fog laga eego wuxuu aad ugu muuqaal ek yahay irbada oo kale, waana dhisme sagaashan digrii marba dhan u dhaqaaqaya oo farsamo casri ah loo dhisay.

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka
Dhismaha Leonardo ee dalka Koonfur Afrika

Dhismayaasha kale ee sanadkan laga hir geliyay adduunka kana mid noqday kuwa ugu dhaadheer adduunka waxa ka mid ah dhismaha The Leonardo oo dalka Koonfurta Afrika laga hir geliyay, kaas oo noqday kan ugu dheer waddankaa, lacagtii ugu badnaydna dhismihiisa lagu hir geliyo.

Fooqani wuxuu ku yaala xaafada Sandton, ee Magaalada Johannesburg, waxa uu ku kacay (12.4 Million oo dollar), kaas oo noqon doona, hudheel iyo xarun dhaqan, sida wargeysku sheegay waxa dhismahani socday muddo dhawr bilood ku dhow, dhererkiisana waxa lagu qiyaasay 752 feet.

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka
Dhismaha Altair oo ku yaal magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka

Dhismaha The Altaire Building oo ku yaala caasimadda dalka Sri Lanka ee Colombo, waxaanu magaciisu afka Somali ku noqonayaa, dhismayaasha Mataanaha isku tiirsan, taas oo nashqadiisa iyo qaab dhismeedkiisu muuqaal la moodo labo fooq oo la isku tiiriyay.

Dhererka labadan fooq ayaa lagu kala qiyaasay, 787 dhudhun oo ka dheer ah, halka ka ku tiirsana dhererkiisu ka yahay, 686 dhudhun ama (Feet), waxa fooqyadan leh shirkad dhinaca warbaahinta qaabilsan oo hanti badan leh sida la sheegay, waxaanu dhismahani ka koobnaan doonaa 400 oo guryaha la kiraystoo ee qaaliga ah, waxaana loo habeeyay dhul gariirada waaweyn ee dalkaa ka dhaca inay u adkaysan karaan.

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka
Dhismaha Infinity Coast Tower ee dalka Brazil

Dhismaha Infinity Coast Oo Noqday Ka ugu dheer dalka Brazil, waxa uu ka mid noqday dhismayaasha ugu dhaadheer adduunka ee sanadkan laga hir geliyay adduunka, kaas oo laga hir geliyay magaalada caasimadda u ah dalka Brazil ee Brasilia.

Fooqan ugu dheer dalka Brazil waxa dhisatay wargeyska ugu caansan dalka Brazil ee Infinity Coast (Evening Coast), taas oo ka mid ah shirkadaha warbaahinta ee adduunka iyo koonfurta America ugu caansan uguna hantida badan, dhererka dhismahan ayaa noqonaya 770-dhudhun ama feet.

Shantii Fooq Ee Sannadka 2019 Ugu Dheeraa Ee Laga Hirgeliyey Adduunka
Minaaradda Masaajidka (The Great Mosque) ee dalka Aljeeriya

Minaarada Masaajidka Wayn Ee Algiers oo lagu tilmaamay dhismaha ugu dheer Qaarada Afrika, waxa sida wargeysku sheegay, minaaradi noqonaysaa ta ugu dheer adduunka oo dhan ee goob lagu cibaadaysto loo sameeyo, taas oo dhererkeedu yahay 869 dhudhun (Feet), sidoo kale waa minaarada ugu adag oo waxay awood u leedahay inay u adkaysato dhul gariir qiyaastiisu dhan tahay, 9-digrii oo qiyaasta Richter Scale-ka ee dhul gariirada iyo ruxanka dhulka lagu qiyaaso ah.

Dhismayaashani maaha kuwa kaliya ee sanadkan adduunka laga hirgeliyay ama ugu dhaadheer laakiin waa kuwa ugu qiimaha iyo soo jiidashada sareeyay ee warbixinta wargeyska lagu soo ururiyay, sidoo kale waa fooqyo ama dhismayaal qiimo gaar ah u leh waddamadooda dhaqan ahaan iyo macno badana ugu fadhiya, dhinaca nashqadooduna aad u sarayso oo wax badan qaab dhismeedka adduunyada ku soo kordhinaya sida warbixintu tilmaantay dad badan oo ka faalooda dhismaha adduunkuna xuseen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.