WorldRemitAds

Geedi socodka jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqda mid xogaa dhaq-dhaaq iyo horumar ku talaabsaday tan iyo markii kursiga hogaanka dalka loo dhaariyey Mudane/Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sidda runtu tahay ah hogaamiye rug cadaaya oo ka sii nool midhadhka fara ku tiriskaa ee Siyaasiyiinta waxii laysku odhan jirey Somaliya.  Madaxweyne Siilaanyo waxaa lagu sifeeyaa nin badiba ayna dadka is diidin oo dabci wanaagsan, isla markaasina aan lahayn dhaqan colaad guntasho iyo hibashadda xagtimaha iyo xangaruufooyinka siyaasiga ah ee ay keento loolanka Siyaasiggii ee markasta ay asxaabta siyaasaddu iskaga soo horjeedaan.

Raggii Madaxweynaha ay isugu darnaayeen dhinaca Siyaasadda markii Xisbiga Kulmiye aanu ahayn ee kursigan maanta Axmed Siilaanyo ku fadhiyo hayaanka iyo naadintiisa ku jirey, waxaa ka mid ahaa mudane Ambassador Xuseen Cali Ducaale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda oo difaaca Xukumaddii wakhtigaasi ee UDUB dhowr jeer si qadhaadh ugu hadlay saxaafadda Somaliland, isla markaasina dusha eedaymo iyo dhaliilo laxaad leh kaga tuuray Axmed Siilaanyo shaqsiyan iyo dabcan beeshiisa oo markaasi ahayd beesha kursiga ku hayaansanayd.  Taasi waxay ahayd dariiqa Mudane Ambassator Cawil uu u maray maaraynta iyo difaaca kursigiisa iyo Xukumaddii wakhtigaasi dalka ka jirtey ee uu ka midka ahaa.  Inkasta oo nin kastaa uu dariiqa hadalkiisa uu u dhigayo iyo kelmadaha uu  dooranayo ay isaga ku xidhantahay, hadana dhamaan wixii dhacay wakhtigaasi waa siyaasadda iyo xadhkaheedda baas ee gelinba meel taagan, isla markaasina aan lahayn colaad joogtaa iyo dib u milicsi midna.

Haddaba marka laga hadlaayo tayooyinka siyaasigaa iyo shaqsiyadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxay horseed u noqon kartaa in Xukumadiisa ka qayb geliyo Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waa wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadee.  Waa wax dhici kara in dad badan laabta la soo kacaan oo hinqashadoodu ku salaysantahay, waayo Cawil.  Jawaabtu waxay tahay Cawil waxuu qayb ka yahay ragga Xukumadda laga qayb geliyey ee lahaa Marxuun Saqadhi alle haw naxariistee oo markasta shaqadiisa iyo gudashadeedda aan ku taageersanaa, sidda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, waayo Saqadhi wuxuu ahaa nin Ciidanka aqoon u leh, isla markaasina ay u dheerayd inuu shaqeeyo habeen iyo maalinba, iyo weliba Cali Xoor-xoor, Nuux sheekh iyo shaqsiyaad badan oo Xukumadiisa maanta ka tirsan oo ka tirsanaa Xisbigii UDUB ee taladda aan kala wareegney.

SomlegalAds

Haddaba butaaca qalinkayga iyo fataha fikirkayga haddii aan u soo noqdo, wadanku wuxuu la kulmay wakhti wanaagsan oo Bulshadda caalamku inoo soo joogsadeen oo ragganimo iyo dagaal ka badan raggii meesha joogey aynaan ku keenin, laakiin ilahay inagu soo faruuray deeqo badan oo inooga yimaadda Bulshadda Caalamka iyo laydha Siyaasigaa ee ku waajahan Somaliland iyo aqoonsigeedda oo kaabiga iska soo istaagtey, iyo weliba xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhaxeeya inaga iyo walaalaheenna reer Mugadisho oo wada hadal ina dhex mara ay wax badan iyo isfahan ka soo bixidoono.  Dhinaca kale dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland heshay ayaa ah mid aad u balaadhan oo loo baahanyahay in uu si toosa u gaadho halka loogu talo galay, idilkiiba si hufan, gaar ahaan mashuurca budhcad badeedda iyo kuwa la hal maala eek ala duwan.

Hadaba madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqda inay ku baxayaan shan girgire oo dabii, shantaasi girgire oo mugoodda iyo maarayntoodu tahay qaar badiba keena muranka Siyaasigaa iyo maamul aan haboonayn oo shacabka reer Somaliland ay aad uga qayliyaan.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland haddii uu ka badbaado oo geed uu iskaga xidho shantan girgire iyo qaabka taladoodda guracan, isaga iyo bulshadda uu hogaamiyo waxaa ka dhaxayn doona xidhiidh wanaagsan, isla markaasina wax daaha oo u dhaxayn doonaa ma jiro isaga iyo shacabkiisa soo doortay ee kalsoonidda 100% ugu codeeyey inuu gaadho kursiga wadanka looga arimiyo ee madaxweynanimadda iyo milgaheedda, isla markaasina weli samirkoodda iyo dulqaadkoodu aanu noqon mid talax gabey, in kasta oo uu jiro niyad jab iyo arimo shacabku aanu ku calool samayn idilkoodba.

Arintu si kasta ha ahaatee, shaki kuma jiro in Madaxweynihii iyo shacabkii reer Somaliland loo dhexeeyey oo shacabkii qoor-taag iyo qooraansi ay ku haab-haabanayaan madaxweynahii ummadda iyo aragiisii, taasi oo keentay in girgirayaasha odayga ku baxaya ee kulaylka badani abuuraan kala irdhow ay kala xidhiidh furtaan hogaamiyahii iyo shacabkiisii, taasina ay abuurto mucaaridad iyo kala shaki balaadhan.  Shacabka badankiisu wuu ku qanacsan yahay hogaaminta iyo maamulka dalka ka jira ee hormoodka uu ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, laakiin waxaa jira hab-dhaqan kale iyo dhibaatadda shanta girgire ee garab siman u jooga ee ummadda madaxweynihii ka xigsadey ee talooyinka iyo fikirkoodu uu yahay qaar aan haba yaraatee lagu guuri karin, isla markaasina dalkan iyo dadkan u horseedaaya burbur iyo dib u dhac balaadhan oo aynaan ka soo waaqsan abid.

Arintu siday doonto wagdo iyo tarbiicaba haw yeelatee, waxaa looga baahanyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo in shacabkiisa uu taabasho ku gaadho oo isaga iyo ummaddiisa aan cidi u dhaxayn, isla markaasina shantaasi girgire xal waara loo helo oo dalka ka samatabixiya shaki iyo xaaladaha muran ee soo noqnoqonaaya ee ay ka mid yahiin eriga Agaasimahii guud ee wasaaradda Arimaha Dibadda, xadhiga wiilasha musuqa lagu eedeeyey iyo sifaha loo maray, eriga Maxamed Xaashi Cilmi, Wershedda Sibidhka iyo sifaha loo maray iyo arimo badan oo dhamaantood dhaliishoodda iyo fara ku fiiqoodu madaxtooyadda iyo agagaarkeedda lagu sheegayo, madaxweynahana lagu shaanbadeeyo, arimaha aan kor ku soo sheegay dhamaan waa halka eeshu tahay!!!!!

Cabdillaahi Cali Xassan John

Liverpool,UK

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.