WorldRemitAds

Dalka Ruushka ayaa laga soo saaray sharci dumarka carruurta iska soo ridda lagaga iibsan karo ilmahooda si loo badbaadiyo carruurtaas.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Dawladda Ruushka oo ka mid ah waddamada sida adag uga soo hor jeeda iska soo tuurida ilmaha ee haweenku ku kacaan, ayaa dhawaan soo saartay sharci cusub oo ogolaanaya in ilmaha ama carruurta ay iibin karaan haweenka doonaya inay ilmaha iska soo ridaan, sifo kasta oo ay u rabaana ka hor istaagaya inay iska soo ridaan, taas badalkeedana u ogolaanaya in ilmaha marka ay umusho laga iibsado.

Sharcigan cusub oo uu soo jeediyay mudane ka tirsan xisbiga Waddaniyiinta ee dalkaas ayaa waxa si degdeg ah ugu waafaqay, Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, waxaana isla markiiba ku raacday dawlada iyo xubnaha golaha wasiirada, waxaana dhawaan loo gudbin doona golaha sharci dejinta ee dalkaas, kaas oo isna sida ay u badan tahay degdeg u ansxin doona.

Waxa uu noqday sharci si wayn loogu guuxay oo aad looga soo dhaweeyay inta badan dalka Ruushka, waxa kale oo uu sharcigani ku talinayaa in la badiyo taranka iyo korodhka dadka Ruushka ah, taa badalkeedana la joojiyo carruurta la iska soo ridayo.

Sida sharcigan dhigayo waxa haweenay kasta oo doonaysa inay iska soo rido ilmaha, dawlada Ruushku damanad qaadi doonta nolosheeda muddada ay uurka leedahay, waxaana marka ay umusho laga iibsan doona ilmaha.

Waxa uu sharcigan jidaynaya ama si cad u iftiiminaya qiimaha rasmiga ah ee ilmaha lagaga iibsan doono, haweenayda taas oo dhan sadex kun iyo todoba oo dollar, lacag u dhigmaysa oo Rubiga dalka Ruushka ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Sida uu sheegay wasiirka taranka iyo tiro koobka qaranka u qaabilsan dalka Ruushka Alexander Baranov, waxaanu isaga oo ka hadlay talaabadan joojinta iska soo ridida carruurta iyo ilma iska soo xaadhista yidhi, “Waa arrin xaaran ah, dhamaan diimaha samaawigu way diidan yihiin, waana xaaran, dalkeena waxa ka jira diimo ka diiwan gashan, laakiin labada diimood ee Kiristaanka iyo Islaamka oo ah labada ugu badan ee dadkeenu aaminsan yihiin, xaaran ayay ka dhigayaan ficilkan xun, sidaa awgeedna dawladu way ku raacday oo sida diimaha Islaamka iyo Masiixigu dhigayaan ayaa lagu dhaqmi doona.” Ayuu yidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.