WorldRemitAds

Sheekh Cabdillaahi Sh Cali Jawhar – Qormadani maantu waxay daaran tahay inaan muujino taariikhdoodana xusno dadka la Majeerto ee bulshadeena ku jirta, Kuwaasi oo dhisay ama dhaqay masiirka umadani ay halkan ku soo gaadhey, Maxaa yeelay waxaan taariikh ahaan u baranaa Niman Cadaana oo dadkooda anfacay yagana loogu abaal-gudey iney Sooyaalka Dunida Galaan, Waxase ka mudan inaan kuweena barano dunida iyo dadyawga kalena ka dhaadhicino, Barakada Jamhuuriyada Somaliland waxa balaysin u ah geesiyaal burji leh oo dhib iyo dheefba ugu fikiray bulshadooda si ay u furaan geediga meel doomida, Hadaba Odeyada Qaranka ku suntan nabadeyntiisa , Hufnaantiisa iyo kala haadintiisa waxa ka mid ah oo safka ugu horeeyana kaga xusan Baal-dahaba Ilaahey Cimriga Iyo Caafimaadkaba haw dheereeyee, (Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar), Sheekhal-baladka Gobalada Awdal iyo Salal.

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar waa fucaadii bud-dhiga u aheyd samato-bixinta Qaranimada Somaliland iyo nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee dagalkan wada daganaa, Fucaadaasi wakhti-xaadirkan waxa ka nool Sheekh Cabdillaahi oo kaliya isla markaana ilaa maanta sii wada odeytinimadiisa ama nabad daajinta bulshada uu u yahay wax-garadka marna Caalimka miladooda ku hagaya, Waa hogaamiye ruuxiya kuna caan-baxay nabad-doonimada aragtida fog ee mar kasta ka talisa isku duubnida umada uu hogaanka u yahay, Sheekhu waxa uu ka soo jeeday qoys Karaamo leh oo Aqoon iyo Caqliba lagu ogaa iyo waliba talo dhaqameedba, Kuma koobna talo ama sheekhnimo,e waxa u dheer waa mutadacaw bulshada horumarka u horseeda waliba maal galinta isagu iska bilaaba, Aragtidiisu waa xasilooni iyo isu tanaasul mar walba uu umada ku booriyo waa geesi aan runta la gaban cid kasta iyo cadad kastana aan kala jeclaysan waxa astaan u ah Qaranimada Somaliland iyo bulshadoo mid ah.

SomlegalAds

Dunida umad kastaa waxay leedahay marjacyo ama laybareeriyo lagu baxo oo lagu bad-baado maalinta ay cakiran tahay, Hadii dawlada dunida ugu fac-weynee Maraykan ay leedahay odeyaal khabiira ah oo lagu magacaabo (Senate ama waxan la yidhaa golaha Council Of Elders) , Oo uu wadan kastaa leeyahay , Hadaba kuwaasi waan baranaa aqoon ahaan waxaaney ku jirtaa maadadan la yidhaa (Historyga), Sidoo kale waxa yadna Taariikhda caalamka lagu qaataa nimanka cadaanka ah ee wax curiyey , Kuwaasi oo wadamadoodu ku faanaan oo ay buun-buuniyaan, Ka Somaliland ahaan waxa inaga inoo galaya taariikhda , tusaalaha, ku dayashada iyo waliba dariiqyada toosan Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, hadii aan rabno inaan dunida la mid noqono waxa inala gudboon inaan hal-mudanteena ama hal-doorkeena aan ban-dhigno una quudhno waxa qaramada kale kuwooda u quudheen.

Sheekhu waxa uu hormuud ka ahaa gudidii dhaqanka ee shirkii Boorama sanadii 1993kii waa goobtii lagu aqbalay Somalilandnimada’e hadaba guurtidaasi waxa Calan-side u ahaa Sheekhal-baladka oo gobanimo iyo guul ku hantiyey waliba Qaranka awliyonimo ugu duceeyey. Bartii bay ka hana-qaadey waxaa aan maanta hadhsanayno iyo wax kastoo ku hareeraysan qodobkaasina si gaara Qaranka wuu ku tix-galiyaa Sheekhal-baladka (Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar), Sooyaalkiisa waxa aan ka madhnayn inuu Sheekhu ahaa wakhti , Wakhtiyada ka mid ah Gudoomiyaha Magaalada Boorama xiligaasina sidaan taariikhda ku helay waxa lagu xasuustaa maamulkiisii dunta ahaa iyo danaynta kobcinta ama kordhinta horumarka bulshada, Sheekhu gudoomiyenimadiisii kumuu koobnayn Borama oo kaliya waxa uu inta badan ku foognaa danaha Qaranka iyo arimo masiiriya, Dan-jire Sheekh Cabdillaahi waa gadh-wadeen dar-dar galinta iyo dadaalada isku duubnida Qaranka ka hawl-gala oo daafaha haya meel kastoo uu joogna ku leh haybad maamuuseed oo lagu aqbalo qaraaradiisa nabadeed, Sheekhnimo, Wax-garadnimo iyo Guurtinimo waa maslaxad ahaane, In badan baa lagu badhaadhey oo lagu bad-baadey aragtidiisa xariirta aheyd ee ay xikmadu ku dheehnayd.

Sheekhal-baladku halgankiisa ka qayb qaadashada nabaydaynta beelaha Somaliland ilaa maanta ayuu wadaa oo uu kolba Erganimo maslaxadeed ku dhamaystiraa, Ilaahey mahadi ha ka gaadhee Madaxweynaha Somaliland ayaa asiibay markuu gartey Ergo nabadeed culimo u badan iney Ceel-afweyn tagaan soona af-jaraan colaada deegaankaa, Ergadaasi oo uu gadh-wadeen u yahay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, Waxa la filayaa maxsuulkeedu inuu noqdo mid lagu diirsado waayo waxa culus ergada gashay mana filayo inay ku fashilmi maxaa wacay bulsho ahaan way dhisnaayeen, Anaguna waan u ducaynanaa in Raxmaanku ku asturo, Waxaan kaga baxayaa qormadan aan Sheekhal-baladka ula holadey inaan bal waxoogaa yar gudo abaalkii Isaga iyo facii noo galeen waayo taladoodii iyo tusmadii ay geediga fureen ayaan ku dhalanay, ku bar-baarney, ku aflaxnay, Markaa waa waajib in kalmad iyo lababa loo idhaahdaa, Man Laa Yashkura Naas Laa Yash Kuru Laah.

Qalinka: Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.