WorldRemitAds

“Waxay Masuuliyadi Naga Saaran Tahay Inaannu Bayaaminno Waddada Toosan Ee Aanu U Aragno Inay Sax tahay Xagga Diinta Iyo Xagga siyaasaddaba”


“Waxaan leeyahay waa la joogaa waqtigii la isu iman lahaa, Diinta iyo maslaxaddu waxay keenaysaa inay Dadka Muslimka ahi midoobaan.”
 

Hargeysa,Somaliland, February 28, 2012, (Saxafi) – Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee dadka Soomaalida ah ayaa sheegay in la joogo wakhtigii ay fariiqooyinka Islaamku isku iman lahaayeen, isla markaasna ay midoobi lahaayeen.

Sheekh Cali wuxuu sidaas ka sheegay mar uu ka hadlayay shir u socday culimada magaca weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda, oo isaga yimid deegaannada ay Soomaalidu degto iyo waddammada qurbaha sida Carbaha, Yurub iyo Marayknka oo lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa doraad.

SomlegalAds

Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa Culimadii shirkaa ka soo qayb gashay ayaa la weydiiyay waxa baaqoodani soo kordhin doono isaga oo ka  hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay beddelka Illaahay ayaa ku shuqul leh, waxa weeye qofkii intuu awood uu Illaahay siiyay in uu ummadda wax ugu qabto ee intii uu wax ku islaaxin karo inuu ku islaaxiyo. Illhaahay-na ninka uu doono ayuu waxa wanaagsan ku hanuunin karaa, annagana Masuuliyadi nagama saarna inay dadku qaataan, laakiin waxay masuuliyadi naga saran tahay inaannu u bayaaminno waddada toosan ee aannu aragno inay sax yihiin xagga Diinta, xagga nolasha kale iyo xagga siyaasadda, waxaan leeyahay waa la joogaa waqtigii la isu iman lahaa, Diinta iyo maslaxaddu waxay keenaysaa inay Dadka Muslimka ahi midoobaan.”

Culimadan shirku u socday ayaa xidhitaankii shirkooda War-murtiyeed kaga hadlay ururrada Ahlusuna waljamaaca iyo Al-Shabaab iyaga oo aragtiyadoodana ka soo hor jeestay, Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamaca oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaanu ugu baaqaynaa ururka la baxay Ahlusuna wal-jamaaca ee uga faa’iidaysanaya colaadda u dhaxaysa iyaga iyo Al-Shabaab inay kula dagaallamaan wixii aragtidooda khilaafsan oo xidhaya goobaha ay ka socoto dacwadda Islaamku, sida Masaajiddada, iyo Dugsiyada Qur’aanka, Macallimiinta dhigeysay inay colaaddaa ka waantoobaan si looga baaqdo fidmo iyo dagaal Diimeed oo sii baaha. Waxaannu ugu baaqaynaa ururka Al-Shabaab ee magaca Diinta Muslimka ku laynaya inay Illaahay u toobbad-keenaan, dadkoodana u soo noqdaan kana waantoobaam madax adayga  afkaarta qaloocan iyo hagar-daameynta dadkooda, taasoo keentay inay ummaddu kala fogaato cadawguna ka dhex faa’iidaysto.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.