WorldRemitAds

 

 

Mogadishu, Somalia, February 27, 2012, (Saxafi) – Madaxweynaha Dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dib shirkii lagu qabtay magaalada London bilaabay dagaal siyaasadeed oo ku waajahan Somaliland.

SomlegalAds

Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka dagay magaaladda Muqdisho ka dib markii uu ka qayb-galay shirka London, ayaa waxaa uu shir uu la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee Ingiriiska ku dhiiri-geliyay kooxda la baxday Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif oo uu ku tilmaamay inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee dastuurka ku meel-gaadhka ahi u jideeyay maamul-goboleedyadda.

“Khaatumo siddaad sheegteen waxay ka koobantahay saddex gobol. Sidaas darteed, waa ay buuxiyeen Axdiga u yaala dawladda ku meel-gaadhka ah iyo shuruudii uu u dhigay maamu-goboleedka, waxayna ogolyihiin inay ka tirsanyihiin dawladda federaalka ah..” Ayuu yidhi, sidaas oo ay tahay dhinaca kale waxaa uu isu dhigay nin iska ilaalinayaSomaliland. Waxaana uu yidhi. “Laakiin, waxaa jira arrimo u baahan xalin…Somalilandwaa dad walaaleheen ah oo wax tabanaya. Waxyaabaha ay tabanayaana la odhan karo waxbaa ka jira..Markaa, dawladda qorsheheedu waxaa weeye in la joojiyo dagaalka labadaas dhinac u dhexeeya.” Ayuu yidhi waxaana uu ku dooday mar kale in midnimadda Soomaaliya ay tahay wax aanay gor-gortan ka gelayn.

Sheekh Shariif shalay markii uu ka degay magaaladda Muqdisho, waxaa uu sii wadday dagaalkiisa ka dhanka ah Somaliland waxaana uu ku tilmaamay go’aamadda ka soo baxay shirkaLondonkuwo u daneynaya Midnimadda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Waxaana uu ku dooday in qodobka ku jira go’aamadda shirkaLondonee qeexaya inSomalilandiyo Somaliya oo simmani ka wadda hadlaan mustaqbalka xidhiidhkooda uu ku sifeeyay mid gundhigiisu yahay ama lagaga wadda-hadlayo midnimo. “Dawladda Federaalka ahi, waxay wadahadalo la furaysaa Somaliland, kuwaasoo gundhigoodu yahay sidii lagu soo celin lahaa MidnimadaSomalia” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed, waxaana uu intaas ku daray oo uu ku dooday dawladiisa ay ka go’an tahay in xal laga gaadho gooni isku taagaSomaliland. “Arrintan dhacday ee ay Somaliland ku sheegatay gooni isku taago waxa dhacday burburka (Soomaaliya) ka dib, marka mar walba waxaanu quud daraynaynay in Soomaalidu wada hadasho, shirka (London) intaanu joognay fursado ayaanu isku helaynay, laakiin fadhi dheer oo la qaadanayay may jirin hawl faro-badan ayaa meesha yaalay, laakiin waxa laga wada shaqayn doonaa in la wada hadlo,” Sidaas ayuu yidhi

Sheekh Shariif waxaa qiray in madaxda Somaliland shirkaLondonku soo bandhigeen mawqifkoodda la xidhiidhaSomaliland. Sidaas oo ay tahay waxaa uu Hadalka Madaxweynaha Somaliland ka dheegtay oo uu ku macneeyay mid gundhigiisu ahaa in Soomaalidu wadda hadasho. Waxaana uu yidh“Runtii madaxdiiSomalilandhadal wanaagsana meesha way ka jeediyeen, waxay muujiyeen in Soomaalidu wada hadasho, sidii loo heshiin lahaana loo wada shaqeeyo”ayuu yidhi

Hadalanada ayaa u muuqda in Sheekh Shariif kaga horjeedo, Islamarkaana durba ku burinayo go’aamadda shirka London, iyaddoo waqtigiisaba ay ka hadhay muddo koobani oo xilhayntiisana ay ku egtahay bisha August ee sanadkan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.