WorldRemitAds

Imaamka Masaajidka Barakaysan Ee Xaramka Makka Al Mukarama Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudaysi ayaa khudbad dheer kaga hadlay xaalada dalka Masar iyo Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ee kacdoonada ay xukunka ku soo ceshanayaan ka wada dalkaas.

Imaamka Xaramka Maka Sheekh Sudaysi ayaa xaalada ka taagan dalka Masar ku tilmaamay, mid fidmo ah oo dalkaas burburkiisa lagu doonayo, isaga oo xusay in kacdoonada iyo amar diidka lagu hayo maamulka dalkaasi yahay mid haybadii iyo quwadii luminaya, una adeegaya baaba’a Masar.

Sheikh Sudaysi oo ka hadlaya ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaas ayaa sheegay in ay baal mareen shareecada Islaamka, kuna baaqeen burbur iyo dagaal, sababay in dhiiga shacabku ku daato, taas oo ah fidmo iyo wax aanay shareecadu ogolayn cid kasta oo ku kacdana ay noqonayso cid baal martay oo khilaaftay shareecada diinta Islaamka.

SomlegalAds

Dadka fidno abuurka ah ee kacdoonada iyo dhibaatada abuura ayuu sheekhu ku tilmaamay, kuwo turjumid khaldan ka bixinaya, shareecada diinta Islaamka oo iyadu ah mid u taagan, akhlaaqda wanaagsan, horumarka aadamiga iyo hir galinta nidaam ku salaysan xikmad Rabaani ah oo caddaalad iyo nabad galyo lagu raaxaysto u horseeda dhamaan noolaha iyo nafleyda Alle abuuray oo dhan ayuu yidhi Sheekh Sudaysi.

Sheikh Sudaysi ayaa figrad argagixisanimo ku dhisan ku tilmaamay, figradaha ku dhisan, go’aan qaadasha dhinaca kaliya, ee aan qiimayn aragti iyo figrad kale oo dunida ka jirta, isla markaana xaqa iyo waajibaadka u fasirta sida ay rabaan, iyagoo isticmaalaya magacyo mustacaaro ah iyo halku dhegyo afka uun laga odhanayo oo aan Alle (SW), looga baqayn.

Imaamka Masaajidka ugu wayn uguna barakaysan Islaamka Sheikh Abdul Rahman Al Sudaisi oo ka hadlaya afkaaraha rabitaan cid u adeegaya ku salaysan ayaa u daliishaday Aayad Quraan ah oo Alle (SW), kaga hadlo dadka isla quman ee marka lagu yidhaahdo arlada ha fasaahadinina yidhaahda, waanu wanaajinaynaa ee halkeenu ka fasahaadinaynaa, kuwaas oo ah kuwo dunida fasahaadinaya laakiin aan waxba fahmayn.

Sheikh Sudaysi oo khudbad dheer kaga hadlay xiisadaha ka taagan dalka Masar ayaa kooxaha ururka Ikhwaanul Muslimiin Talaabooyinka ay ku kaceen, ku tilmaamay kuwo dadka Ahlu Iimaanka ah ee Muslimiintu aad ula yaaban yihiin, oo aanay qaadan karayn, in shareecada iyo xikmadii diinta loo adeegsado, dano gaar ah, taageero xisbi, kicin lagu sameeyo bulshada iyo dhiig la xalaashado, isaga oo dhinaca kalana sheegay in diinta Islaamku danta guud ka taliso xuquuqda umadana wada ilaaliso.

Ugu danbayntii sheikh Sudaysi waxa uu su’aal ururka Ikhwaanu Al Muslimiin ka waydiiyay, sababta ay balan qaadkoodi uga baxeen ee ay u fulin waayeen, waxa ku kalifay inay ka been sheegaan balantoodi ay shacabka u qaadeen iyo sababta ay u doorteen in ay xukunka ku dagaalamaan oo dalkaas fidno galiyaan, burburna u hoseedeen iyagoo ogolaaday ama ku baaqay in dhiiga shacabku daato?

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.