WorldRemitAds

Djibouti, November 26, 2015 (Saxafi) – Xukuumadda dalka Shiinaha ayaa ku yeelanaysa saldhigii ugu horeeyey ee military ee qaraada Afrika gaar ahaan dalka Djibouti, waxaana heshiiskaas shaaca ka qaaday jeneraal sare oo ka tirsan ciddamada military dalka Maraykanka.

“Waxa ay bilaabayaan dhismaha saldhig military oo ay ku yeelanayaan Djibouti, taas oo noqoneya saldhigii ugu horeyey ee ay ku yeeshaan qaarada Afrika” ayuu yidhi Gen. David Rodriguez taliyaha guud ee saldhiga military USA Afrika Command isagoo dhowaan u waramayey shabakadda wararka ku saabsan gaashaandhiga ee Defense Reporters.

March-13-DjiboutiSannado badan ayaa xukuumadda dalka Shiinaha la sheegi jiray in ay saldhig military ku yeelan doonto Djibouti, islamarkaana ay haatan u muuqato in ay labada dowladood arrinta dhamaystireen, maddaama ay heshiis muddo 10 sannadood ah wada gaadheen sida uu sheegayo Jeneeral Rodriguez. Waxa kale oo uu sheegay jeneeralku saldhiga military oo noqon doona xarun saadka ah sidii ay xukumadda Shiinaha goobaha ka fog ay u gaadhi lahayd. “Asaaska saldhigan military ee qaarada Afrika oo talaabo macquul ah marka loo eego dhinaca horumarinta, sidoo kalena fursad siinaysa saamayn dhaqaale oo ay ku yeelanayso mandaqaaddan, waxa kale oo saldhigan military oo ka jaban kuwa kale ee ku yaala dalka Shiinaha, islamarkana ay qaban qaabo ku meel gaadh ah oo u oggolaan doona maraakiibta inay ku soo xidhaan dekeda Djibouti, taas oo u sahlaysa in ay ka qayb qaataan ilaalinta baddaha ” Sidana waxa yidhi Mr. J. Peter Pham, oo ah agaasimaha machadhka la yidha Africa Centre at the Atlantic Council.

SomlegalAds

Saldhigan military oo siinaya dowladda Shiinaha awood badan dhanka hawada, islamarkana hagaajineysa laamaha sirdoonka ee xog ururinta awoodooda inta ku xeeran Gacanka Carbeed, Masar, Bariga Libya ilaa iyo badhtamaha wadamadda Afrika.

Hirgelinta saldhiga military ee qaaraada Afrika waxa ay shiiqinaysaa xukunkii ama awoodihii badnaa ee uu dalka Maraykanka oo isna saldhig military ku leh dalka Djibouti Camp Lemonnier ku lahaa mandaqadda, saldhigaas oo ay ka fuliyaan hawlgalada sirdoonka, ka hor taga la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisadda. “Hogaaminta Maraykanka ee dunida ayaad moodaa inay si xog leh isu badelayso kaalinta uu dalka Maraykanku ka qaato ilaalinta iyo qayb ahaan xidhiidhka maamulidda khadadka baddaha, hadday Shinuhu iyaga laftoodu ay kaga soo qayb galaan mashruucan ilaalinta oo ah mid dunida u dan ah, marka waxa uu kor u qaadayaa muuqoodda ama saamayntooda” ayuu celiyey Mr. Pham.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.