WorldRemitAds

Shiinaha: Dawlada Shiinaha ayaa dhawaan laashay ama wax ka badal ku samaysay, xeerka qoyska ee dalkaas, ka dib markii ay xukuumadu u ogolaatay dadka iyo qoysaska Shiinaha ah in ay ilme labaad dhali karaan, waxaana sidaa ku soo gaba gaboobay wakhtigii ilmaha qudha loo ogolaa qoyska.

Run ahaantii sida ay dad badan oo saadaliya arrimaha dhaqaalaha ee dalkaasi xuseen, waxa is badalkan cusub ee lagu sameeyay sharciga qoyska ee dalkaas, oo afartankii sanadood ee u danbeeyay dalkaas lagu soo maamulayay, loo aanaynayaa horumarka balaadhan ee dhinaca dhaqaalaha ah ee uu dalkaasi ku talaabsaday wakhtiyadii ugu danbeeyay.

Shiinaha Oo La Filayo In Bil Kasta Hal Milyan Oo Carruur Ahi U Dhalan Doonto Dhinaca kale waxa jira baahiyo kale oo sababay, oo ay ka mid yihiin, qoysas badan oo ilmihii ka dhintay markii iyaguna ay waaweynaadeen, waxa kale oo jira in dad badani doorteen in ilmuhu wiil u noqdo oo ay yaraadeen tarankii dhinaca hablaha ee dalkaasi, taas oo sababtay in sagaalkii nin ee Shiine ahba hal gabadhi ku soo hagaagto.

SomlegalAds

Si kastaba ha ahaatee waxa la saadalinayaa in fasaxaada qoysaska Shiinaha loo ogolaaday in ay ilme labaad dhali karaan, ay soo kordhin doonto tiro aad u badan oo carruur ah, waxaanu dalkaasi filanayaa in bishiiba ay ku soo kordhi doonaan hal milyan oo carruur ahi, taas oo sii kordhin doonta tirada dadka ku dhaqan dalkaas oo ah ta ugu horaysay dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.