WorldRemitAds
Johannesburg, Koonfur Afrika, December 04, 2015 (Saxafi) — Shir toddobaad u socday Caasimaddaha Afrika oo ay marti-galisay sannadkan magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaaladaas.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, guddoomiyaha guddiga siyaasadda Midowga Afrika, Dr. Aisha Abdullahi, wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika, Jeff Radebe, wasaarada dhaqanka iyo isku-xidhka dowladnimada ee Koonfur Afrika, wasiirro ka socday dalalk Afrikaan ah, duqa Johannessburg, Parks Mpho Tau, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha magaalooyinka waa-weyn ee Qaarada Afrika, mas’uuliyiin ka socday Midowga Afrika, ururrada iyo shirkadaha ay xukuumadda Afrika leeyihiin.
Ajandaha shirkaan waxaa ka mid ahaa sidii ay magaalooyinka Qaaraddan Afrika u yeelan lahaayeen siyaasad mideysan, loogana dhaqan-galin lahaa ajandaha xoojinta haweenka ee Midowga Afrika ee hiigsiga sannadka 2063-ka.
CaasimaddahaShirweynahan oo saddexdii sannaba mar la qabto oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda ay ku midoobeen magaalooyinka iyo dowladaha hoose ee Afrika ee loo yaqaano (UCLG Africa), waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah sawirrada iyo tignoloojiyada casriga ah ee ay magaalooyinka waaweyn ee Afrika ku taallaabsadeen, iyadoo ay ka mid ahaayeen dalalkii bandhigaas ka qayb-qaatay Koonfur Afrika, Mali, Mauritania, Senegal, Morocco iyo sidoo kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dib u dajinta (UN-Habitat).
Goobta magaalooyinka Afrika ay ku soo bandhigeen siyaasadda iyo tignoolajiyada Afrika ayaa waxaa booqday wasiirka madaxtooyada dalka Koonfur Afrika, Jeff Radebe, isagoo uga mahad-celiyay soo bandhigooda horumarka ay gaadheen iyo midka ay higsanayaanba, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay duqa magaalada Johannessburg, Parks Mpho Tau oo isagu ah marti-galiyaha shirkan.
Dhanka kale, shirkan oo lagu soo gaba-gabeeyay Johannesburg ayaa waxaa abaal-marino kala duwan lagu guddoonsiiyay, qaar ka mid ah gudoomiyayaasha hadda iyo kuwii hore ee magaalooyinka waaweyn ee Qaaradda Afrika, ururrada iyo shirkadaha Afrika ee la yimid waxqabadka muuqda.
Ugu dabeyn, shirkan oo ahaa kii toddobaad ayaa waxaa kiisii ugu horreeyay lagu qabtay sannadkii 1998-kii magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast, iyadoo shirkan loogu talo-galay in saddexdii sanaba ay magaalo ka mid ah qaarada Afrika marti-galiso, Waxaana lagu kala qabtay kulamadii xigay; sanadkii 2000 magaalada Windhoek oo ah xarunta dalka Namibia, sannadkii 2003-dii magaalada Yaoundé ee dalka Cameroon, sannadkii 2006-dii magaalada Nairobi ee Kenya, sannadkii 2009-kii magaalada Marrakech ee dalka Morocco, sannadkii 2012-kii magaalada Dakar ee Senegal, halka sannadkan 2015-kana lagu qabtay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.