WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 24, 2018 (Saxafi) – Ururka Cilmi Baadhista Soomaaliyeed (Somali Studies International Association “SSIA”) oo afartan jirsadday ayaa shirkiisii 13-aad shalay ka furmay Jaamacadda Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan boqol iyo konton aqoonyahan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi.


“Soomaalidu Waxay U Degi Weyday Waxaa dhexdeenna jooga oo aynu mar walba iska indho tiraynaa Maroodi weyn… Waa Somaliland iyo Horumarkeeda Marna Lama Xusin” Khudbad Uu Jeediyay 10 Sanno ka hor Aqoonyahankii Hawshan Bilaabay Dr. Xuseen M. Aadam (Tanzani)


Shirkan cilmi baadhista Soomaalidda ayaa markii labaad lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigi doonaa lixdan deraasadood oo Soomaalida laga qoray, waxa kale oo lagaga doodi doonaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrimaha qurbo joogta iyo qodobo badan oo kale.

SomlegalAds

Shirkan cilmi baadhista Soomaaliyeed ayaa saddexdii sannaba mar la qabtaa. “Maadaama oo warbixino kala duwan laga soo jeedinayo oo dhinacyo kala duwan taabanaya waa in la isku dul qaato oo dhinacyadda ay taaban karto u dul-qaataan waayo, Soomaalidu waxay tidhaahdaa maan rag waa muducyo afkeed waa la is khilaafayaa, waxaanan soo jeedinayaa inay wax badani ka soo baxaan oo laga faa’iido shirkan”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Professor Maxamed Yuusuf Muuse

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo isagu shirkan furey ayaa sheegay in shirkani noqonayo shirkii 2aad ee Hargeysa lagu qabto, waxa kale oo uu xusay in dalal kala duwan lagu qabtay shirkan cilmi baadhista Soomaaliyeed.


“Waxa jooga 25 dal oo adduunka ah, waana farriin caalamka loo dirrayo inay Somaliland tahay mid madax banaan oo nabadgalyo ah….” Wasiirka Warfaafinta Somaliland


“Waxa jooga 25 dal oo aduunka ah, waana farriin caalamka loo dirrayo inay Somaliland tahay mid madax banaan oo nabadgalyo ah, ka soo qaybgalayaaasha ajaanibka ah waxaan doonayaa inay caalamka naga gaadhsiiyaan inay Somaliland nabad tahay oo wakhti walba la soconayo”ayuu yidhi Guri-barwaaqo.

Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay inay ka soo qaybgalayaashu yihiin 150 aqoonyahan oo iskugu jira  Soomaali iyo Ajinabi.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay aqoonyano badan, kuwaas oo ku dheeraadday cilmi baadhista la soo bandhigayo iyo guud ahaanba dhinacyadda ay taabanayso.

10 sanno ka hor shirkan oo kalle

Bishii August 2007 ayaa waxaa shirweynahan loo yaqaan Somali Studies International Congress uu ahaa kii 10aad, iyadoo isla markaa loo dabaaldegayey sannadguuradisii 30aad.

Shirweynahaas waxaa uu ka dhacay Magaalada Columbus, Ohio iyadoo ay martigelisay Jaamacadda weyn ee Ohio State University. Waxaa shirkan sidoo kale hore u martigelisay Hargeisa University.

Ciise Cawaalle oo shirkaas wax ka qoray waqtigaas, ayaa waxaa uu xigtay kalmad uu ka jeediyay Xidhitaankiisii Prof Xusseen Tanzania.  “Waxaa shirweynhan lagu soo qaaday cilmibaadhisyo kala duwan oo inta badan khuseeyey Somalia iyo dhibaatooyinka xaadirka ah ee haysta…….

Waxaa shirkan quwad weyn ku lahaa Dr. Xusseen M.Aadam (Tanzani) oo ah ninka shirkan bilaabay/aasaasay muddo 30 sannadood laga joogo horteed. Waxaa Dr. Aadam si gaar ah oo xushmadi ku ladhantahay loogu sameeyay Casho Sharaf ay ka soo qayb-galeen Professors, Siyaasiyiin, Warbaahin iyo dadweyne aad u farra badan oo shakhsi shakhsi loogu soo casuumay. Waxaa aad goobtaa loogu dheeraaday taariikhdii Dr. Hussein Adam. Iyddoo halkaa lagu xussay dhalashadiisii magaalada Arusha, iyo horumarkiisii tacliimeed ee taxanaha ahaa ilaa uu noqIday Soomaaligii ugu horreeyay ee ka qalinjabiya isagoo da’diisu ka yartay 30 jir jaamacadaha qiimaha weyn leh ee Harvard University.

Gunaanadkii shirweynaha ayuu Dr. Xusseen ku soo hadal-qaaday shirka sababaha ay Somalia nabaddi uga hirgeli weyday. Wuxuu si weyn uga hadlay inay meesha ka maqan-tahay oo la iska Indhotirayo  Waddanka Somaliland iyo hormarka nabadeed ee uu gaadhay. “Tan iyo intii shirku socday marnaba lama soo qaaddin Somaliland” ayuu yidhi Dr. Xusseen isagoo ku daray kalmadahan “Tani waa gabagabadii shirka waqtigan aan halkan taaganay, waxaa dhexdeenna jooga oo aynu mar walba iska indhotiraynaa Maroodi weyn “The elephant in the room” kaas oo marna ina dhexjooga marna hareeraheena jooga oo kolba meel kaga jira qolkan aynu fadhinno. Hadda Maroodigu maaha xayawaan ama wax qofka indhahiisu aanay qaban Karin, ee waa wax laxaadka buuxa ee intaa le’eg ilaahay siiyey. Haddaba, maxaynu u arki weynay oo aynu iska indhotiraynaa? Maroodigu waa Somaliland oo baaxadda intaa leeg leh, taas oo ay ku gaadhay horumarka dhan walba leh ee aynu aragno. Markaa lama dafirri karro ee waa inay Somalia ku dayataa oo ay u qirtaa si ay meeshay mareen u marto.” Markuu intaa yidhi ayaa dadkii u wada sacab tumeem.

Waxaa uu aqoonyahanku ku caddeeyay halkaa Somaliland inay xortahay oo aan ku dayashadeeda laga maarmayn, dadka aqoonyahannada ah sida kuwa shirka ka qaybgalyana ay xaq ku tahay inay siiyaan ahmiyad dheeraadka ah ee Somaliland iyo horumarkeeda.

Dhinaca kale, waxaa goobtaa isaguna ku soo bandhigay buugga cusub ee uu qoray Dr. Xusseen Aadam nin ka madaxda u ah Red Sea Press. Buuggan oo magaciisa la yidhaa “From Tyranny to Anarchy- The Somali Experience” www.africaworldpressbooks.com soona baxay August 2007 waa buuggii sagaaalaad ee uu qoro Dr. Xusseen. Waxaa kale oo aqoonyahankani si isdaba joog ah u soo saarri jiray qoraallo siyaasadeed kuwaas oo lagu daabaco degalllada iyo wergaysyada waa weyn ee dunida. Waxaa kale oo uu aqoonyahankan u dhashay Somaliland yahay ninka ka Chairman ka ah American Peace Institite qaybta Somalida, isla markaana dejiyey qaabka uu u dhisanyey ururka IGAD ee dawladaha Horn of Africa ku bahoobeen.”

Illaahay Dr Xusseen ha u naxariisto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.