WorldRemitAds

Djibouti, November 12, 2018 (Saxafi) – Magaalada Djibouti ee caasimada dalka Djibouti waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan maayaradda caasimadaha wadamada Islaamka.

Shirkan ayaa lagaga hadlayaa wada shaqeyn dhex marta maayarada caasimadaha dalalka Islaamka ah iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku hor gudban.

SomlegalAds

Duqa caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ahna Guddoomiyaha ururka maayaradda dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ka mid ah maayarada ka qeyb galaya shirkan waxaana uu gaadhay doraad magaalada Djibouti.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Djibouti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Duqa caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Djibouti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.