WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – Warbaahinta ka hawlgasha Somaliland badankooda ayaa kullan ay shalay isugu yimaadeen kaga wada hadlay shirkadaha Isgaadhsiinta oo kala wareegay hawlihii ay qaban jireen.

Shirkan oo si gaar ah loogu faaqiday shirkada Isgaadhsiinta Telesom, waxa laga soo saaray war murtiyeed u dhignaa sidan:
Warbaahinta Somaliland“Madaxda hay’adaha Warbaahinta ayaa maanta (Shalay) kullan isugu yimid.
Ujeedada kullanku waxaa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada Telesom ku hayso warbaahinta.  Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.
Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.
Go’aamaddan.
  1. In Warbaahintu cadayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.
  2. In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.
  3. In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawlaga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo talaabooyinka lagaga gaashaamanayo.
  4. Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.
Shirka waxaa ka qayb-galay:
Madaxda ururka Warbaahinta Ee Solja.
NO Wargeysyada
  1. Wargeyska Hubaal.
  2. Wargeyska Saxafi
  3. Wargeyska Geeska Afrika
  4. Wargeyska Somaliland Today
  5. Wargeyska Himilo
  6. Wargeyska Waaheen
  7. Wargeyska Haatuuf
  8. Wargeyska Sahan
  9. Wargeyska Saxansaxo
  10. Wargeyska Foore
  11. Wargeyska Jamhuuriya.
  12. Wargeyska, Ogaal
  13. Wargeyska Dawan
  14. Wargeyska Warsugan
  15. Wargeyska Hubsad
TV Station
  1. TV Horn Cable
  2. TV Bulsho
  3. TV Somaliland Space Channel
  4. TV SomNews
  5. TV Somali Channel
  6. Star TV
  7. Universal TV
  8. Somali Cable
  9. Royal TV
  10. SPC Channel
  11. Kalsan TV
Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa oo ka la qaatay go’aamadan masuuliyiin ka soctoy shabakadaha wararka Intarnetka.”

SomlegalAds

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.