WorldRemitAds
Shirkad Shaqaalaheeda – Dalka Shiinaha oo lagu tilmaamo dalka sadexaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, ayaa dhibaato badan shaqaalaha shirkaduhu kala kulmaan, sharciyada aan caadiga ahayn ee mulkiilayaasha iyo dadka maamula ku fuliyaan, kuwaas oo mararka qaarkood ciqaab jidh iyo maskaxba saamaynaysa shaqaalaha isu roga.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka Shiinaha ayaa shaqaalaheeda aan sida wanaagsan wax u iibin ee dhinaca suuq gelinta ku xumaaday, ku soo rogtay ciqaab nooceedu ku cusub yahay dunida, walina aan hore loo arag,
Shirkad ShaqaalaheedaShirkadan oo ku taala ama xarunteedu tahay degaanka Zhengzhou ee gobolka Henan, ayaa tobanaan ka mid ah hawl wadeenadeeda ku fulisay, ciqaab dhinaca jidhka ah, waxaana shaqaalahan la sheegay inay ku xumaadeen dhinaca suuq gelinta iyo iibka lagu amray inay beerka ku siqaan ama sida ciidamada la tababarayo oo kale ay xusulada iyo beerka iyagoo ku gurguuranaya ay masaafo loo cayimay ku gaadhaan, jid dhinac mara haro biyo ah oo xarunta shirkada ku hor taala.
Dad socoto ah oo goobtaas marayay ayaa ka yaabay dadkan beerka ku siqaya ee iyagoo gurguuranaya maraya jidkii socodka loogu talo galay, waxaanay dadkaasi markii hore moodeen inay tababar iyo jidh dhis ku jiraan oo aad ayay u soo jiidatay, laakiin markii ay arkeen qaar ka mid ah oo dhibaato ka haysato, mar marna ilmaynaya oo aad uga qaylinaya ayay waydiiyeen sababta.
Laakiin shaqaalahani afka umay kala furin oo aamus ayay kaga jawaabeen, laakiin markii warbaahintu ka war heshay ay goobta timi ayay u warameen oo ay u sheegeen in sababtu tahay ciqaab maamulka shirkadoodu ku soo rogay.
Markii la waydiiyay sababta ay ciqaabtan uga ogolaadeen iyo waxa loogu ciqaabayo sidan ayay ka codsadeen inay maamulkooda waydiiyaan, laakiin waxa ka darnayd markii maamulka shirkadu sheegay in ay u ciqaabayaan shaqaalahani ka dib markii ay ku xumaadeen iibka iyo suuq gelinta alaabta shirkadu iibiso.
Sida odditycentral ku warantay, waxa aan goobtaa ka soo xaadirin, kooxihii loogu talo galay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha ah ee dalkaas u qaabilsanaa, kuwaas oo mar walba sheega in xuquuqda shaqaaluhu sugan tahay oo aan xad gudub loo gaysan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.