WorldRemitAds

Shirkada samaynta baabuurta caanka ku ah ee Mitsubishi ee dalka Jaban laga leeyahay, ayaa samaysay diyaarad Rakaab tii ugu horaysay ee lagu sameeyo dalka Jaban, waxaana diyaaradan oo samaysay duulimaadyadeedi ugu horeeyay ee gudaha dalkaas ah ay noqonaysaa, diyaaradii ugu horaysay ee Jaban samayso.

Dalka Japan ayaa todobaatankii sanadood ee ugu danbeeyay macmiil u ahaa shirkadaha reer Galbeedka, waxaana dalkaasi tan iyo markii lagu jabiyay dagaalkii labaad ee dunida, laga joojiyay horumarinta awoodooda farsamo ee dhinaca diyaaradaha.

JP-JAPANJET-articleLargeShirkada Mitsubishi ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee kaga dhabaysa riyadii reer Jabaan muddad dheer ku taamayeen, waxaanay xaqiijisay awooda ay u leedahay, samaynta diyaarado tayo iyo awood ahaan la tartami kara diyaaradaha shirkadaha waaweyn ee Boeing oo Maraykanka laga leeyahay iyo Airbus oo Midowga Yurub Shuraako ku yihiin.

SomlegalAds

Talaabadan oo warbaahintu ku tilmaantay guul balaadhan oo Jaban u soo korodhay todobaatan sanadood ka dib, markii lagu jabiyay dagaalkii labaad ee dunida, ayaa sida la sheegay waxa diyaaradani duulimaadkeedi ugu horeeyay ee tijaabo ka baxa ahaa dad rakaab ahna ay ku qaado, kaga haaday Magaalada Nagoya oo ku taala badhtamaha dalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.