WorldRemitAds

Isbadalada cusub ee dunida ku soo kordhay wakhtiyadii u danbeeyay ayaa laga dheehan karaa, sida siyaasadii madax taaga ahayd ee Reer Galbeedku isku badashay, waxaana cadaymaha iyo natiijooyinka wakhtiyadii u danbeeyay soo baxayay muujinayaan in dalalka Reer Galbeedka ah iyo shirkadahoodi waaweyna intooda badani ogaadeen sida dayaxoodi u janjeedhsay.

Haddaba sanadihii u danbeeyay waxa dunida ku soo kordhayay dalal badan oo aduunka ahna ka hir galay, nidaamka Xalaal loo yaqaano oo ah, mid lagu xaqiijinayo cuntooyinka xalaasha ah ee dadka muslimiintu quutaan, waxaana nidaamkan ilaaliyo oo hubiya ururo tiro badan oo intooda badani hoos tagaan Raabidada Caalamka Islaamka oo ah hay’adaha ugu magaca iyo muga wayn dunida Islaamka.

Nidaamkani waxa uu xaqiijiyaa noocyada cuntooyinka iyo cabitaanada kala duwan ee warshaduhu farsameeyaan ka samaysan yihiin, waa nidaam laga soo xaqiijiyo warshada ilaa halka shayga asalkiisa laga soo saaro, waxaanay gudiyada nidaamka ilaaliyaa qabtaan shaqo wayn oo adag oo ay ku xaqiijinayaan aasaaska shaygaas.

SomlegalAds

Arrintan ayaa ka dhalatay markii ay bateen cuntooyinka xaaraanta ah ama aan waafaqsanayn shareecada diinta Islaamku quutka ay banaysay, waxa ay ogaadeen in cuntooyin badan oo hilib ahaan loo iibshaa yihiin, kuwo doofaar ama waxyaabo kale laga sameeyay, waxa kale oo ay xaqiijiyiin in xolo badan oo hilibkooda loo dhoofiya dunida muslimka ama dad muslim ahi iibsadaan aan la gawricin ama iyaga oo bakhti ah la soo qasacadeeyay.

Arrimaha kale ee intii ay hawshan wadeen ogaadeen ayaa waxa ka mid ah in cabitaano badan ay ku jiraan, waxyaabo xaaraan ah oo alcohol ku jiro, halka buskudyo iyo keegag badana la ogaaday in subag doofaar ama xayawaano kale oo xaaran ahi ku jiraa, dhamaan waxyaabahaas oo dhami waxa ay ku soo gab gaboobeen markii ay bilaabantay shahaadada Xalaal ee la siiyo shirkadaha cuntooyinka iibsha, calaamada Xalaal oo ay adag tahay ama aad loo dabo galo in shirkaduhu isaga qortaan badeecadahooduna waxa ay abuurtay in arrintaasi kor uga kacdo dunida.

Shahadadan Xalaal oo sanadihii sideetamaadkii qarnigii hore ka bilaabantay waddamada Hindiya iyo Malaysia waxa ay muddo kooban ku faaftay dunida, gaar ahaan waddamada Shiinaha iyo Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, laakiin dhawrkii sanadood ee u danbeeyay oo dagaal dhinaca warbaahinta ah dalalka reer galbeedku ku qaadeen diinta Islaamka iyo cadhadii ka dhalatay ee muslimiintu kaga jawaabeen, waxa ay si wayn u badaleen shirkadihii reer galbeedka oo alaab badan oo muslimiintu ka iibsan jireen la joojiyay, waxaanay shirakado badani markii ay ku dhawaadeen in ay kacaan ama suuqu ka soo xidhmo ay ogolaadeen in la baadho wax soo saarkooda si loo siiyo shahaadada xalaal.

Todobaadkan carwo wayn oo la iskugu keenay shirkadaha la siiyay shahaadadaas oo lagu qabtay dalka Turkiga ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan kun shirkadood, halka ay safka ku jireen in ka badan sadex kun oo shirkadood oo doonaya in la siiyo shahadadaas, waxaanay shirkado badan oo reer galbeed ahi ogolaadeen in ay furaan dhamaan waxyaabaha ay sameeyaan oo u ogolaadaan gudida shahaadadan qaabilsan.

Arrimaha kale ee xiisaha mudan ee intii shahaadada Xalaal bilaabantay la arkay ayaa waxa ka mid ah, dadka iibsada alaabooyinka ay xalaal ku qoran tahay in ay ku badan yihiin dadka kiristaanka ah laftooda, oo aaminsan in hanaankan muslimiintu u xushaan cuntooyinku yahay ka ugu caafimaadka fiican uguna wanaagsan dhinaca nolosha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.