WorldRemitAds

Dubai, UAE, January 8, 2018 (Saxafi/Trade ArabiaNews) – Shirkadda Dubai Port World (DP World) ayaa sheegtay in sanadkii 2017 uu soo galay dhaqaalle ku dhowaad ah hal bilyan oo dollar, taas oo ay sheegeen inay sahli karto in la helo fikrado cusub oo dhanka teknolojiyadda iyo fursado ganacsi ah oo lagu horumarinayo dekedaha ganacsi ee ay maamusho.

War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha shirkadda DP World, Suldan Axmed Bin Saleeban maalinti shalay ayaa sidoo kale lagaga hadlay qoorshahooda mashaariicda horumarineed ee ay rajaynayaan inay ka fullin doonaan sanadkan bilowga ah dalka Somaliland.

SomlegalAds

Warka waxaa lagu sheegay in qorshaha DP World ay ku jirto in Somaliland ay ka fulliyaan mashaariic la xidhiidha dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga la iskuguna xidhi lahaa dalalka suuqyadda ganacsiga addunka. “Dib u soo celinta isu socodka ganacsiga adduunka waa muhiim. Sanadkii 2017 waxaa uu ahaa sanadkii ugu awooda badnaa hadafkayagiina aanu gaadhnay ee weliba dhaafay halkii aanu ku talagalay, waanu soo dhowaynaynaa horumarka shirkaddu samaysey. mar kale, waxaa hindisahayaga ku talo galka ah ka mid ah inaanu ka midho dhalino ugu yaraan boqolkiiba toban wax-soo saarkii guud ee sanadkii 2017.

Dalalka caanka ah ee heshiisyada aan kula jirno isla markaana xoojinnayno wada shaqayntayada waxaa ka mid ah dalalka Brazil, Ecuador, Kasaakstan, Qubrus, Somaliland iyo Hindiya iyo Mali oo hadafkayagu yahay dhismaha kaabayaasha maalgashi si uu u sahlanaado ganacsiga adduunka iyo isku xidhka dalalka suuqyadooda ganacsiga.” Sidaa waxa lagu yidhi war saxafadeedka gudoomiyaha shirkadda DP World, Suldan Axmed Bin Saleeban.

Gudoomiye Suldaan Axmed Bin Saleebaan isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanu diiradda saaraynaa in macaamiishayadda sharafta lihi hesho addeegyo hufan oo casri ah meel kasta oo ay aduunyadda ka joogaan. Sida beeraha warshadaha, saadka oo kor loo qaadayo iyo hawlgalada dhulka aagga xorta (free-zone) oo lagu rakibay qalab teknolijiyada ku cusub, isu socodka ganacsiga na fududeyn doona.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.