WorldRemitAds
Shirkada Ferrari oo laga leeyahay dalka Talyaaniga kana mid ah, shirkada gaadiidkooda loogu jecel yahay dunida, ayaa shabakadeeda gaarka ah ee Internetka ku baahisay gaadhi cusub, oo moodeelkiisu yahay 2013-ka, ee sida gaarka ah loogu farsameeyay Ganacsade Hindi ah ee degan Imaaraatka Carabta.

Gaadhigan oo ah, Ferrari 599 GTO, waxa magaciisa lagu dhigay Ganacsade Cheerag Arya, kaas oo lagaga dhejiyay magaciisa halka gaadhiga magaciisa lagu qoro, waxaana sidaa loogu gacan galiyay Cheerag Arya, oo da’diisu tahay, (32-jir).
Shirkadda Ferrari Oo Ganacsade Hindi Ah U Samaysay Gaadhi Magaciisa Leh Cheerag Arya waxa uu ku dhashay dalka Hindiya hasa yeeshee waxa uu ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Maraykanka, sida shirkada Ferrari sheegtay, waxa uu Arya ka mid ahaa, macaamiisha joogtada ah ee shirkada Ferrari, oo uu gaadhigooda isticmaalayay tan iyo markii uu qaan gaadhay, isaga oo ku jeclaaday, markii uu gaadhigaas sawirkiisa ku arkay mid kamid ah wargeysyada Maraykanka isaga oo uu wato ciyaar-yahan uu aad u jecel yahay oo uu taageero.
Cheerag Arya waxa uu lix sanadood ka hor soo degay dalka Imaaraatka Carabta, gaar ahaan Imaarada Dubai halkaas oo uu ka aasaasay, shirkad maalgalineed oo ay iska kaashadeen ama ku shuraakoobeen, xubno reer Hindiya ah iyo hay’ada maamusha maal galinta Rasul Khayma.
Ganacsadahan reer Hindiya waxa uu shirkada gaadiidka ee Ferrari ka iibsaday tan iyo intii uu isticmaalkiisa bilaabay todoba gaadhi oo wakhtiga la farsameeyay, isku xigaan, kuwaas oo uu dhamaantood haysto ilaa walina ka mid ah kuwa moodeeladoodu ugu horeeyaan ama ilaa wali suuqa ku jiraan.
Shirkada Ferrari ayaa sheegtay in gaadhigan si gaar ah ay ugu farsamaysay, isla markaana ay siisay damaanad muddo shan sanadood ah, waxa kale oo shirkadu ku tilmaantay gaadhigan, inuu la mid yahay waslad dheeman ah oo uu ganacsadahaasi hantiyay, kana mid noqon kara dhaxalkiisa uu kaydka u dhigan karo, oo aan duugoobayn muddo dheer, sida ay ku doodayaana u kaga haqab beeli doono, haraadkii uu u qabay gaadhi lagu raaxaysto oo shirkada Ferrari soo saartay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.