WorldRemitAds

Shirkadda Ford oo ah tan samaynta gaadiidka ugu da’da wayn dunida, oo hoos u dhac wayn oo dhaqaale ku habsaday sanadihii ugu danbeeyay, ayaa dhawaan soo bandhigtay, gaadiid kala duwan oo waxyaabo cusub oo aan hore gaadiidku u lahaan jirin ku qalabaysan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Sida warbaahinta ka faaloota gaadiidka iyo tignoolajiyada cusub ee lagu daray, ku warameen, shirkada Ford oo ahayd, tii ugu horaysay dunida ee ikhtiraacda gaadiidka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ahayd shirkadii ugu suuqa waynayd dunida muddo nus qarni ah.

Waxa ay soo bandhigtay baabuur cusub oo waxyaabo badan oo adeeg ah lagu soo farsameeyay, kuwaas oo sida muuqata ay shirkadu ay wakhtigan muhiimada siisay adeegyo baahida aadamiga la xidhiidha, halkii hore ay awooda u saari jirtay, xawaaraha iyo quruxda gaadiidka.

Adeega cusub ee shirkadu ku soo kordhisay gaadiidka gaarka loo leeyahay, ayay ugu muhiimsan tahay, nidaam biyo nadiif ah dhalinaya, ka dibna iyagoo qabow ay wadaha iyo rakaabkuba ka cabi karaan qasabado biyahaas ka soo qaadaya taangiga kaydka biyaha gaadhigu soo saaray, oo gudaha ama qaybta shidka ku yaala.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Qasabadaha iyo nidaamkan biyo dhalinta baabuurta Shirkadda Ford oo lagu magacaabo, On-the-go H20, ayaa sida shirkadu sheegtay, ujeedadiisu tahay, sidii kor loogu qaadi lahaa raaxada dadka adeegsada gaadiidka shirkadda Ford samayso.

Khabiirka Shirkadda Ford u qaabilsan fikradaha cusub iyo wax ka badalka nashqadaha gaadiidka oo lagu magacaabo, Doug Martin, ayaa sheegay in adeegan biyo dhalinta iyo qasabadaha ee baabuurta shirkadda lagu soo daray, la xidhiidho baahida biyaha ee ka jirta meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan waddamada saxaraha ah iyo kuwa biyo yaraantu ka jirto ee dunida.

Adeegan cusub ee Shirkadda Ford ku soo qalabaysay baabuurta cusub ee ay sanadkan 2019-ka soo saarayso ayaa ah, mid farsamo ahaan aan qiimo badan ku kacayn, laakiin wax tar ahaan muhiim ah, waxaana suura gal ah, sida shirkadu rejaynayso in suuq cusub oo dunida ah ay u horseedo fikradan cusub ee qasabadaha biyaha qabow samaynaya ee gaadiidkeeda ay ku soo dartay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.