WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 16, 2015 (Saxafi) – Shirkada sharaabka ee SBI ayaa abaal marino kala duwan gudoonsiisay qaar ka mid ah macaamiisheeda oo ku guulaystay barnaamijka CAB OO GUULAYSO.

Munaasibad balaadhan oo ay shirkaddu ku qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen maamulaha guud ee shirkada Mustafe Cismaan Geelle iyo madaxda sare ee shirkadaasi, kuwaas oo abaalmarino ay ka mid yihiin Gaadhi nooca loo yaqaan Verosa, lacag shan boqol dollar, Laptopyo iyo qalab kale oo kala duwan gudoonsiiyey dadkii fariimaha soo diray ee ku guulaystay, waxaana dadkaasi ahaayeen lix iyo labaatan qof oo ka soo kala baxay afar boqol oo kun oo qof oo fariimo soo diray.

Maamulaha guud ee shirkadda SBI Mustafe Cismaan Geelle oo ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey guud ahaanba macaamiisha kala duwan ee Somaliland Iyo Puntland ee isticmaala sharaabka ay shirkaddu soo saarto, waxaanu sheegay inay barnaamijkan ugu tala galeen inay dadka isticmaala sharaabka ay wax ku celiyaan, isla markaana ay ku dhiiri geliyaan inay nasiibkooda tijaabiyaan.

SomlegalAds

IMG_6645.JPGQaar ka mid ah macaamiisha ku guulaystay abaal marinaha kala duwan ee ay shirkaddu bixisay oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida shirkaddu u soo bandhigtay nidaamka ku salaysan habka caddaaladda ah ee ay u kala saartay macaamiisheeda.

Ugu danbayntiina macaamiishaas ayaa la gudoonsiiyey abaal marinaha kala duwan ee ay ku guulaysteen, waxaana halkaas lagu bixiyey gaadhigii ugu horeeyey ee lagu guulaysto, iyada oo shirkadu ay macaamiisheeda ugu tala gashay inay ku tashadaan sadex gaadhi. Barnaamijka oo sii soconaya labada bilood ee dambe ayaa la bixin doonaa laba gaadhi iyo abaal marrinno kale.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.