WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 17, 2015 (Saxafi)-Shirkadda sharaabka ee SBI ayaa shalay daah-furtay sharaab cusub oo ah Faantadda Liin-macaanta oo lagu soo kordhiyey sharaabyaddii hore ay usoo saari jirtay.

Munaasibad lagu daahfurayey sharaabkan cusub ee Faantadda liin-macaanta ayaa lagu qabtay xafiiska weyn ee shirkaddu ku leedahay magaaladda Hargeysa.

Madaxa Hawlgalinta shirkadda sharaabka Mustafe Cisman Geele ayaa sheegay in sharaabka loogu talo galay dhamaan bulsho-weynta Reer Somaliland gaar ahaan Qaybaha kala duwan ee dhalinyarada taasoo leh dhadhan tayo leh oo dhamaan dadweynuhu ka heli-doonaan kuna raaxaysan doonaan.

SomlegalAds

Mustafe Cisman Geele oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Faantada midabaysan waxay khaas u tahay dhalinyarada waxaana la tijaabiyay lagana soo saaray natiijooyin dhinaca dhadhanka iyo tayada sharaabkan. Xaqiiqdii waxa nooga soo baxday Natiijooyin cajiib ah, jawaabaha kala duwan ee laga helay macaamiisha wadanka oo dhan, waxaanu balaadhin doonaa hormoodna ka noqon doonaa horumarinta iyo soo saaridda taanka sharaabka noocan oo kale ah isagoo leh noocyo kale duwan”

Sharaabka FaantadaMadaxa hawlgalintu Wuxu sheegay in faantada liin-macaanta lagu sameeyay baadhitaan balaadhan qaybaha suuqa ee sharaabka fudud taasoo la xaqiiijiyay in wakhti xaadirkan suuqa aan laga helin oo dhalinyaradu ka haqab beelin rabitaankooda joogtada ah ee sharaabka u gaarka ah ee ay jecel yihiin balse ay SBI u diyaarisay.

Wuxu intaas raaciyay oo kale “intaas waxa raacaysa in Shirkada SBI ay macaamiisheda isticmaasha faantada liin-macaanta ah ay diyaar ula tahay adeega sharaabka dhinac walba dookhooda nooca faanta-da ay wakhti walba jecel yihin inay macaamiishu helaan dookhooda oo ay hogaaminayso qaybaha faantada ee shirkadu soo saarto ay ka mid tahayna faanta–staroobariga ah iyo waliba faantada tufaaxa ka samaysan”

Maxamed Nassir (Madax Suuq Gaynta sharaabka Shirkada SBI) wuxu sidoo kale sheegay in faantada liin-macaanta ee cusub meel walba oo wadanka gudihiisa ah laga heli karto Caagada 300ml ah laguna iibinayo lacag dhan 3000 SLSH oo kaliya.

Faantadan liin-macaanta ah waa nooca sharaabka ugu horeeya ee awooda laga helo, waa nooca saddexad ee ugu wanaagsan sharaabka addunka ay soo saaraan shirkadaha Coca-cola. , waxayna ku dedaalaan inay ugu adeegan macaamiisha iyagoo leh dookhyo/noocyo la kala dooran karo oo kala duwan. Waxa laga soo saara oo laga helaa 198 wadan, faantada waxa la iibiyaa 59 nooc oo kala dhadhan ah, cusbaysiinta dhadhankan cusub ee faanatada liin macaanta waxa loogu talo galay inay ka haqab beelaan dhalinyartu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.