WorldRemitAds

Xisbiyo siyaasadeed iyo dimoqraadiyad ayuu muuq-baahiyaha, idaacadaha iyo waraaqaha wararka laga akhristo ayuu kala socon jiray, xiise badana wuu u hayay, xamaasad ayuu la booday sadexdii xisbi ee dalka ka jiray habeenba mid ayuu ku fikiraa inuu xubin ka noqdo, hadana subaxii ayuu mid kale ku fikiraa. Sadexdaba raali ayuu ku noqday aragtiyadooda aan sidaas u sii kala fogayn, taasi waxay dhalisay inay ku adkaato xulshada xisbiga uu ka qaadanayo sadexda xisbi.

Kulmiye ayuu talo isugu geeyay inuu xubin ka noqdo, isagoo madaxbanan ayuu aragtidiisa ku raacay, wuxu ahaa qof aad u firfircoon karti badan xisbigiina wuxuu ku soo kordhiyay maskax iyo maal wixii awoodiisa ahayd aanu waxba kala hadhin. Qayb libaax wuxu ka qaatay guushii xisbiga Kulmiye u soo hoyatay, hase yeeshee dedaalkiisi iyo firfirconidiisii kumu doonan xil loo magacaabo, waayo u jeedadiisa ayaanay ahayn. Geedi galinta hayaanka dimoqraadiyada Somaliland ayaa hiigsigiisa koobaad ahaa hawsha baaxadas lehna u mara, Kulmiye markuu mucaaridka ahaa waa la dhagaysan jiray taladiisana waa la qaadan jiray shir aanu gudoomina ma dhici jirin.

Maqaal logoTalada markii xisbigii qabtay wax wayn ayaa iska badlay, ninkii shalay la jeclaa cidiba way xaalayn wayday, dadkii ay halganka ku wada jireena muraayadaha ayay ka dalacdeen salaantiba waa lala dhaafay, shir looguma yeedho xitaa magalada uu daganyahay iyo wadan kuu joogo waa laga gaabsadaa in lala socodsiiyo hawlaha xisbiga ee ka socda. Takoorkan xagee ayuu ka socdaa. maxaa guracmay ee dadkii aad shalay walalaha ahaydeen kaa hor-keenay ayuu is yidhi, naftuu hiifaa sidii qof eedaysan YAAB iyo amakaag.

SomlegalAds

Xafiis xisbiga UCID u furnaa ayuu soo galay isagoo ka yaaban takoorka xisbigii uu aaminsana saaray, salaan ka dib, waa lagu qoslay waxaanay waydiiyen waar miyaad soo xoolo barkhadowday?? argagax ayaa ku dhacay qof wayn oo baadi lagu sheegay sidii Neef xoola ah. Kulmiyihii aad u xiiqsanayd miyay ku soo eryeen?? markii horeba kan caqli kuma jirin dimoquraadi iyo waxaan jirin ayuu aamin sanaaye dirida ha soo taabtee iska daaya, waydiimahaas iyo warcelinahaas wada socda waxay toos ugu dhceen dareenkiisa, waxaanu xaqiiqsaday malaha waad habawsantahay oo waxaan ay ragani sheegayaan waxbaa ka jira. Run weeye Kulmiye miskiinkan albabadiisii wuu ka xidhay mana garanayo eeda uu ka galay ee uu ku mutaystay faquuqa intaas leeg, waxaad mooda qoladan Ucid inay dhibaatadata isaga u gaar ka ah ay ogaayen waxaanu go’aan saday inuu dhibkii gaadhay u sheego kadibna talo ka siiyan jidka ugu haboon ee loo maro xubin ka noqoshada xisbiyada Somaliland. ‘Xisbi waligaa ha galin mid reerkiinu ku jiro mooyaane, waa talada koobaad maxaa yeelay waa lagu takoorayaa cid ku ixtiraamaysaana ma jirto, waana lagaa xanqarsanayaa meel arrin iyo talo maraysana cidi kuuma sheegayso. ta labaad, marka xisbigu mucaaridka yahay cid walba wuu u baahanyahay laakiin maalinta uu kursiga fadhiisto, waxaad tahay qawsaar Geel nin leeyahay daba dhoon ka ahaa, cid wax kugu falaysaana ma jirto. Xisbi aanan dooran ku raac reernimo, xisbigaad xulatayna isagaan kuba jeclayne maxaa talo ah ????????

Xuseen Waraabe JÖNKÖPING

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.