WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 11, 2016 (Saxafi) – Sicirka sarifka suuqa lacagaha qalaad ee magalada Hargeysa ayaa mudooyinkii uu dambeeyey kor u kacay, islamarkaana sameeyey  qoysaska dan yarta ah iyo iibka maciishadaha daruuriga ah iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka oo dhan.

Kor u kaca sarifka ama isu-bedelka lacagta dollar-ka ee shillinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey lagu sarifayey  $1 dollar 7,800 shillinka Somaliland ah taas oo masuuliyiinta bangiga dhexe Somaliland 3-4 bilood ee u dambeeyey ay geliyeen suuqa ganacsiga magaalada Hargeysa lacag lagu qiyaasayo $4-5 milliyan oo dollar-ka Maraykanka ah,  iyadoo ujeedadu tahay gacan ku haynta qiimaha sarifka lacagta shililnka Somaliland iyo dollar-ka ka hor intaan la gelin bishii barakaysnayd ee Ramadaanta iyo ciidul fidriga, iyaddoo ciidii Odxaduna soo dhawdahay.

Wargeyska Saxafi oo isku dayey inuu arrintan wax ka waydiiyo masuuliyiinta bangiga dhexe ee Somaliland ayaanay u suurogalin.

SomlegalAds

Xukuumadda ayaa mar isku dayday inay hoos u dhigto qiimaha sarifka, isla markaana gaadhsiisay in halka dollar lagu sarifo lix kun iyo shan boqol, haseyeeshee markiiba uu halkiisii ku noqday, taas oo inta badan lagu eedeeyey in aanu Baanka dhexe awood u lahayn inuu maamulo sarifka lacagaha qalaad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.