WorldRemitAds

Macluumaad kooban oo ku saabsan sida aad wax badan uga ogaan karto qof kasta oo aad doonayso inaad jirabaad ku samayso noloshiisa, kuwaas oo khubarada cilmi nafsigu ay ku qiimeeyaan shakhsiyada qofka iyo waxa ku qarsoon ee aad doonayso inaad ka ogaato.

Waxaanay kala yihiin, arrinta koowaad, haddii aad aragto qof cuntada u cunaya si aan caadi ahayn, ogow in qofkaasi Werwer badan qabo oo aanay xaaladiisu deganayn.

Ta labaad haddii aad aragto qof aan Ooyin oo ilmadu aanay indhihiisa ka quban, xaalad kasta oo la soo deristana aanay waxba ka badalin, ogow in qofkaasi liito oo uu yahay qof daciif ah sida culimada cilmi nafsigu ku doodeen.

SomlegalAds

Arrinta sadexaad, Hadaad aragto qof hurdo badan, oo hurdadiisu ka badan tahay inta dabiiciga ah ee aadamigu seexdaan, Ogow in qofkaasi dhaawacan yahay oo culays badani haysto, kuna dedaal inaad wax badan ka ogaato noloshiisa.

Xaalada afraad ee culimada cilmi nafsigu ay ku qiimeeyaan qofka ayaa ah, haddii qofku qosol bato oo xaalado aan caadi ahayn uu iska qoslo, ogow in qofkaasi dhiban yahay, xaaladiisuna aanay deganayn.

Shan, haddii qofku mar walba ku waydiiyo wax ku saabsan shaqada kuguna cel celiyo waxyaabaha ku saabsan hawlaha idiin dhexeeya ogow in qofkaasi daacad yahay, kana run sheegayo qofnimadiisa runta ah.

Xalaada lixaad, haddii qofku leeyahay dhoola cadayn badan, ogow inuu xaalad walaac ah ku jiro oo hoosta ka murugaysan yahay.

Arrinta todobaad, waxay la xidhiidha qofka aamusku ku faro bato, isla markaana diida sheekada iyo inuu la hadlo dadka, sida cilmi nafsigu ku doodayaan ogow in qofkaasi yahay mid kalsooni badan oo isku kalsoon.

Qodobka sideedaad ee ugu danbeeya macluumaadkan ku saabsan qaabka culimada cilmi nafsigu u baadhaan qofka, kuna helaan xogaha ku qarsoon ayaa ah, hadaad aragto qof aan kalsooni ku qabin saaxiibadii iyo dadka uu la nool yahay, ogow in qofkaas ay soo mareen waxyaabo badan oo sababay inuu ka aamin baxo dadka, khiyaamooyin badan oo lagu sameeyayna ay kalsooni darada ku abuureen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.