WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 14, 2016 (Saxafi) – Madaxda komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo masuulyiinta xisbiyada Qaranka ayaa shalay shaaciyay in diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Awdal si rasmi ah uga dhaqaaqday.

Shir jaraa’id oo ay masuuliyiintani wada jir ugu qabteen Xarunta Maamulka gobolka ee Boorama ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka iyo guddoomiye ku xigeenkiisa, iyagoo sheegay in shalay 6-dii aroornimo hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Awdal guud ahaan ka bilowdeen 138 goobood oo ku baahsan afarta Degmo ee gobolkaasi ka kooban yahay, kuwaasoo kala ah Boorama, Baki, Lughaya iyo Saylac, isla markaana ay u dhammaystireen qalabkii iyo hawl-waddeenaddii looga baahnaa qabsoomidda diiwaangelinta.
Waxa sidoo kale shirkaasi Jaraa’id ka hadlay guddoomiyayaasha xisbiyada Waddani iyo Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cirro, iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID, waxayna dhammaantood sheegeen inay ku qanacsanyihiin sida lagu bilaabay hawsha, isla markaana ay rajaynayaan inay si wanaagsan ugu dhammaato dadweynaha reer Awdal.
Badhsaabka gobolka Maxamuud Cali Saleemaan (Ramaax) oo soo xidhay shirkan Jaraa’id ayaa isagu farta ku fiiqay dedaalka uu maamulkiisu ka galay socodsiinta hawlaha diiwaangelinta kuwaasoo uu sheegay inay muhiim-santahay amniga goobaha diiwaangelinta oo ay ciidanka amniga dul dhigeen.
Dhinaca kale, bilowga hawshan diiwaan gelinta gobolka ayaa shalay oo ay bilow u ahayd hawlwadeenadda iyo agabkoodaba, waxaa la soo wariyay arrimo door ah oo la xidhiidha dhinaca farsamadda, kuwaasoo ay ugu horreyso fahamka dadweynaha oo u arka in cidii kaadhka aqoonsiga qaadatay looga baahnayn kaadh kale, komishankuna u caddeeyay in looga baahanyahay kaadhka codbixinta. Waxa kale oo xal loo helay muran maamulka gobolka iyo wasaaradda waxbarashada ku dhex maray dugsiyo hore u ahaan jirey Goob doorashooyin, balse ardaydii shalay ka soo xaadirtay markii fasaxu u dhamaaday. Waxa meelaha qaar dib u dhacay diyaarinta agabka, laydhka, internetka oo markii dambe hagaagay. Magacayadda hawlwadeenada iyo goobaha oo isbeddel ku yimi markii dambena la saxay. dadka qaar sheegeya in shaqada ka socota goobaha diiwaangelinta qaarkood ay gaabis tahay, waxana doorkan yaraa gaadiidka agabka iyo hawlwadeenaduba saaranyihiin oo dhexda la fadhiista, dibna u rida bilowga hawshaasi, waana markii u horreysay ee komishan doorasho oo wada socdaa tago gobolka, halka awal xubin ama laba xubnood ka tagi jireen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.