WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, September 23, 2019 (Saxafi) – Sirdoonka itoobiya ayaa shaacisay shaqsiyaad ay sheegtay iney ka tirsan yihiin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ay laamaha ammaanka dalkaasi soo qabqabteen.

Warbixin dadkaasi la qabtay ku saabsan oo laga sii daayey warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xubnahaasi ay damacsanaayeen iney falal argagaxiso oo kala duwan ka fuliyaan gudaha dalkaasi gaar ahaan caasimadda iyo goobaha muhiimka ah.

SomlegalAds

Xubnahan ayaa la sheegay in laga qabtay magaalooyinka Addis Ababa, Jigjiga, Diridhaba iyo Mooyaale.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

xubnaha la qabtay ku jira dad u dhashay waddamada Soomaaliya, Yemen iyo Suuriya sida warku sheegay. Warbixin ay soo saartay Laanta sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay iney xubnahani u diyaar garoobayeen sidii ay falal argagixiso oo khasaare weyn geysta uga fulin lahaayeen gudaha dalka Itoobiya.

Laamaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka oo in muddo ah ku daba jiray shaqsiyaadkaasi waxay sheegeen iney ugu dambeynti ku guuleysteen iney soo qabtaan.

Waxay qorsheynayeen, sida ay sheegtay laanta Sirdoonka Itoobiya, iney weerarradooda ku bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka isugu yimaaddaan, macbadyada iyo huteellada waa weyn iyaga oo xog uruurin ballaadhan hore uga sameeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay iney raggan dhaqdhaqaaqyadooda la socdeen laga billaabo markii ay ka gudbeen qaarkood Jabuuti iyo Somaliland, waxaana ugu dambeyna qaarkood lagu qabtay xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa.

Waxay shakhsiyaadkani inta aan gacanta lagu soo dhigin Akoonton ka furteen bangi ku yaalla dalka Itoobiya, waxaana markii dambe lagu qabtay lacag ka badan 2.5 milyan oo birr.

Warbaahinta laanta sirdoonka ee dawladda Itoobiya ayaa raggan ku qeexday xubno ka kala socday ururadda Al-Shabaab iyo ISIS.

Mar sii horreysay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Itoobiya waxay sheegtay iney qabqabatay kooxo lid ku ahaa amniga dalkaasi.

Madaxa xafiiska wasaaradda gaashaandhigga Gaashaanle Tasyaye Ayalew toddobaad ka hor wuxuu BBC u sheegay in xubno looga shakiyey iney ururrada Al-shabaab iyo daacish ka tirsan yihiin lagu qabtay magaalooyinka Jigjiga, Dirdiahab, Mooyaale iyo Doolow.

Wuxuu sarkaalkan intaas ku daray in xubnaha ay qabteen ay yihiin kuwo af Amxaariga la soo baray si ay howlaha dalka Itoobiya ay ka fulinayaan ay ugu fududaadaan.

Sirdoonka Somaliland Iyo Waddamo Kale Oo Ka Qayb-Qaatay Qabashada Shabakad Lagu Eedeeyay Inay Ethiopia Ka Abaabulayeen Hawlgal Argagixiso Laanta sirdoonka Itoobiya waxay sheegtay in xubnaha la qabtay lala qabtay dhammaan qalabki ay u adeegsan lahaayeen howlihii ay damacasanaayeen.

Dhinaca kale, waxaa Sirdoonka Ethiopia shaaciyay magacyadda Xubnahan, oo kalla ah, sidan

  1. Maxamed Cabdulaahi Dulat, waxaa lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha kooxda oo isticmaalayay magac been abuur ah, Yahya Ali Hassen, waxaa uu ka degay markii hore Djibouti waxxaana uu u gudbay Addis Ababa oo lagu qabtay.
  2. Isaq Ali Aadan oo istimaalayay magaca Ibraahim Iyo
  3. Cade Mohamed Mohamud ayaa la wariyay inay iyana ka gudbeen Hargeysa oo Somaliland ah., iyaddoo Adam Mohamed Mahamud ahaa sida warbixintu tilmaantay Khasnajiga, islamarkaana uu Akoonka u furay.
  4. Ciid Mohamed Ali. Waxaa lagu qabtay sida warku sheegay ismaamulka Soomaalida, sidoo kale,

5, Cusmaan Cali waxaa lagu qabtay ismaamulka Oromadda gaar ahaan aaga Mooyaale..

  1. Fuad Abshir Yesuf waxaa lagu sheegay isaga inuu yahay ISIS, oo uu Boosaaso ka tagay, laguna qabtay Addis Ababa.

Magacyadda kale ee la xusay ayaa waxaa ka mid ah.

  1. Cabdalla Maxamed Husseen.

8. Ridwaan Mohamed Hussein.
9.Mohamed Iman Yusuf.
10. Bashiir Osmaan Abdi.
11. Mohamud Guhad Badal.
12. Siyaad Omar Abshir.
Aqoonsiyadda lagu hayo ayaa kalla ah sida la wariyay Degmooyinka iyo Goboladda Bookh. Iimeey. Afdheer. Mooyaale Araarso iyo Fiiq.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.