WorldRemitAds

Paris, Faransiis, June 25, 2015 (Saxafi) – Dawladda Faransiiska ayaa waxaan la aqbali karrin ku tilmaantay Siro fashilmay oo ku saabsan Basaasida Maraykanku ku sameeyay Madaxweynaha haatan ee Faransiiska iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Xidhiidhkii dublamaasi ee u dhexeeyey Paris iyo Washington ayaa aad u sii xumaanaya ka dib markii Faransiisku si weyn uga cadhooday warbixin sheegaysa in dawladda Maraykanku dhagaystay saddexdii madaxweyne ee ugu dambeeyey Faransiiska.  “Uma dulqaadan doono fal kasta oo lagu faro galinayo ammaanka Faransiiska iyo ilaalinta danihiisa” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Faransiiska Hollande.

SomlegalAds

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska Laurent Fabius, ayaa u yeedhay safiirka Faransiiska u fadhiya Maraykanka si uu qayb uga noqdo kulan lagu lafo gurayay galinkii dambe ee shalay ka dib markii ay daabacday warbixinta shabakadda siraha soo qufta ee Wikileaks .

Maraykanka ayaa ku andacoonaya inaanay dhicin basaasid uu ku sameeyay dawladda Faransiiska balse dhukumentiga la hayo ayaa ah mid caddayn ugu filan talaabooyinka Maraykanku qaaday si uu u basaaso Madaxda Faransiiska iyo shaqaalahooda.

Maraykanka ayaa basaasay Madaxweyneyaashii hore ee Faransiiska Jacques Chirac iyo Nicolas Sarkozy iyo madaxweynaha haatan xilka haya Francois Hollande sida ku xusan warbixin uu soo saaray WikiLeaks.

Wargeyska Faransiiska ah ee Liberation iyo shabakadda Mediapart, ayaa Salaasadii sheegay in basaasidu dhacday intii u dhexaysay 2006-dii ilaa 2012-kii. Hay’addahan warbaahineed ayaa soo xiganayay warbixintan oo lagu macneeyay xogo sir ah oo sare(Top Secret), waxaana ku jira 5 warbixinood oo laga helay hay’adda nabadsugida qaranka ee Maraykanka oo muujinaya xidhiidho la dhexgalay ama la dhegaystay.

Warbixinta ugu wakhtiga dambeysay oo ku taariikhaysan 22 May 2012 oo ahayd wakhtiga Madaxweynaha haatan ee Faransiisku xilka qabtay ayaa muujinaysa xog ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu madaxweynuhu ku lafo gurayay dhibaatooyinka ka taagan midowga Yurub gaar ahaana qorshaha Giriigu kaga baxayo Yurub.

Sidoo kale warbixin ku taariikhaysan 2008-dii ayaa ciiwaan looga dhigay “Sarkozy(Madaxweynihii wakhtigaas ee Faransiiska) wuxuu isku arkaa inuu yahay qofka kaliya ee xallin kara dhibaatooyinka ka taagan dhaqaalaha aduunka”.

Sirahan cusub ayaa imanaya iyadoo sanadkii 2013-kii Edward Snowden oo hore uga mid ahaa sirdoonka Maraykanku faafiyay siro ku saabsan basaasid uu Maraykanku kula kaco xulufadiisa reer Yurub, gaar ahaana hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, taasi oo telefoonkeeda la dhegaystay.

Waxaa la rumaysan yahay in warbixinaha muujinaya basaasida laamaha sirdoonka Maraykanku kula kacayaan siyaasiyiinta ay muddada dheer xulufada ahaayeen keeni doonto waji gabax diblamaasiyadeed oo Maraykanku wejaho.

Kadib xogaha Edward Snowden faafiyay ayuu Madaxweyne Obama ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka basaasida wadamada iyo madaxda Maraykanka xulufada la ah balse lama oga in arrintaasi wax laga bedelay iyo inkale.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.