WorldRemitAds

Oslo, Norway, June 18, 2018 (Saxafi) – Raysal-Wasaaraha dawladda itaalka daran ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay socdaal ugu baxay dalka Norway oo wargeyska Aftonbladet uu sheegay in uu shirkadihiisu qayb ka yihiin dagaalka Tukaraq.

Socdaalka Weftiga

SomlegalAds

Socdaalka Kheyre Ee Dalka Norway, Tuhunka Dagaalka Tukaraq Iyo Dabagalkii Hore Ee Qaramada MidoobayRaysal-Wasaaraha Somalia oo ay weheliyaan, wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda ayaa shalay u dhoofay dalka Norwey.

Wefdiga Raysal-Wasaaraha ayaa ku dooday in dalka Norway ay kaga qeyb gali doonaan shirka sannadlaha ah ee Olso Forum kaas oo sanad kasta la qabto.

Arrimaha shirkan lagu soo bandhigi doono ayaa waxaa ka mid ah, sida la weriyay caqabadaha ka jira dunida saddexaad, doorka dhismaha nabadda dalalka ay colaaduhu ka jiraan, arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay Antonio Gutteres, xubno ka kala socda hay’addo iyo ururo caalami ah ayaa ka qeyb gali doono shirkan oo socon doona beri iyo sahan danbe 19-20-ka bishan Juun.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono dalka Norway ay ku soo bandhigi doonaan isbedelka maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka mudadii ay jirtay xukuumaddoodu. “Maanta (Shalay) waxaan Safar shaqo ah u raacay Raysal-Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaan u soconaa sidii aan aduunka ugu qancin laheyn isbedelka maaliyadda iyo dhaqaalaha wadanka mudadii ay jirtay xukumadda Soomaaliya” ayuu yidhi wasiir Beyle qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitterka.

Xogta hore ee Dagaalka Tukaraq

Socdaalka Kheyre Ee Dalka Norway, Tuhunka Dagaalka Tukaraq Iyo Dabagalkii Hore Ee Qaramada Midoobay
Ceelka Holhol

Dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ayaa warbaahinta dunnida qaarkeed u aragtaa dagaal wakaaladeed (Proxy War) oo ka dhexeeya shirkado shidaal. Mid ka mid ah wargaysyada ka soo baxa dalka Sweden oo la yidhaahdo Aftonbladet, ayaa 28/ 5/ 2018-kii wuxuu qoray warbixin arrintan la xidhiidha. Wargeysku waxaa uu cinwaan uga dhigay Dagaalka ka dhexeeya Norway iyo Sweden ee shidaalka Somalia (Somaliland) (Norska – Svenska Krig om Olja i Somalia)

Maqaalku wuxuu ku dooday in dagaalkani yahay mid u dhexeeya laba shirkadood oo laga kala leeyahay labadaas da waxaana hor-dhiciisa ka mid ahaa Laba shirkadood oo shidaal, Lundin Africa Oil oo laga leeyahay Sweden iyo DNO (Den Norska Oljeselskap) oo laga leeyahay Norway, mid waliba waxay hore heshiis ula gashay mid ka mid ah labada maamul oo aanan midkoodna ictiraaf caalamia ah heysan. Heshiisyadu waxay la xidhiidhaan hal ceel shidaal oo labada maamul isku hayaan Waa Somaliland iyo Puntland/Somalia. Dhulkaas qallalan ee dhagaxa ah oo ku yaal deegaanka Hol-hol (Gobolka Sool ee Somaliland) waxaa jira meel laga helayo calaamad raadka keliya oo ka muuqdaa uu yahay (Nugaal 1). Waa meesha uu ku yaal ceelka Hol-hol ee shidaalku. Calaamaddaas hoosteeda waxaa yaal hodantooyo weyn oo shidaal ah.

Wargeysku waxa uu sii waday waxaana uu ku dooday in shirkadda DNO ay heshiis la gashay Somaliland, kaas oo la xidhiidha ceelka shidaalka ee Hol-hol, iyada oo Hol-hol hadda gacanta ku haysa.

Gabadh la yidhaahdo Kerstin Lundell ee maqaalka leh, oo ah wariye u dhalatay dalka Sweden. Iyadu goor hore ayay daba-gashay arintan. Waxay isku-deydey in ay wareysato labada shirkadood ee xiiseynaya ceelka Hol-hol. Mid waliba waa uu ka diidey in uu siiyo war-bixin.

Kerstin Lundell, waxa kale oo ay qortey buug ay ku magacawday Ganacsi dhex-yaal Dhiig iyo Shidaal (Business in Blood and Oil). Meelaha ay sida xooggan uga warantay waxaa ka mid ah dagaalkan wakaaladaysan sida ay u aragto iyaddu.

Marka warbixintan laga yimaaddo, Xassan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha Somalia ayaa isaga laftiisu qayb ka ah shirkaddaha shidaalka ee Dhiigga lagu eedeeyo si aan socdaalkiisan dalka uu dhalashadda ka qaatay ee Norwey iyo shakiga la xidhiidha inuu qayb ka noqon karro ama ugu yaraan uu geli karro wada hadallo la xidhiidha dagaalka ka socda Tukaraq, Aan dib ugu noqono warbixinno laga qoray ka hor xiligiisan raysal-Wasaarenimmo sanado ka hor oo u dhignayd sidan. “Baadhitaanno Qaramada Midoobay ay sameeyeen, ayaa lagu ogaaday in masuuliyiinta ugu sarreeya shirkad heshiis sahaminta shidaalka ah kula jirta dawladda Soomaaliya ay xidhiidh dhaw la leeyihiin kooxo xag-jir ah oo Bariga Afrika ka jira oo Al Shabaab mid tahay.

Dhukumantigan sirta ah oo baahiyey mareegta Bussfeed News ayaa kooxda baadhitaanka samaynaysay ee Qaramada Midoobay  Ingiriiska iyo Norway kaga codsadeen in ay u soo gudbiyaan xoggo la xidhiidha shirkadda Soma Oil and Gas iyo Agaasimaheeda Afrika Mr. Xasan Khayre oo asal ahaan Soomaali ah, balse dhalasho Norway ah haysta.

Masuulka looga shakiyey kooxaha argagixiso inuu xidhiidhka la leeyahay ayaa ka mid ah Guddida Sare ee Maamulka shirkadda, isla markaana ka mid ah wadaag lahayaasha (shareholder).

Shirkadda Soma Oil and Gas oo xafiiskeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo waqtigii baadhitaankan iyo dabagalka la bilaabay uu Guddoomiye u ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha hore iyo  hoggaamiyaha hore ee  Xisbiga Konserfative (Conservative Party) dalka Ingiriiska Mr. Michael Haward, ayaa  Qaramada Midoobay ay sheegeen in looga shakisan yahay in masuuliyiin sarsare oo shirkadda ah ay macquul tahay inay  xidhiidh ay la leeyihiin kooxo Argagixiso ah oo Bariga Afrika ka jira oo Al Shabaab ka mid tahay.

Shirkadda, ayaa eedayntan loo soo jeediyey diiday, isla markaana dhinac isaga leexisay in ay xidhiidh la leedahay kooxda Al Shabaab iyo kooxo kale oo argagixiso ahba.

Dhukumantiga sirta ah ee la helay oo bish February 2016 ayay kooxda Qaramada Midoobay ee dabagalka wadday (UN Watchdog) u direen dibloomaasiyiin Ingiriiska iyo Norwway ah, waxa uu dibada u soo saaray in Agaasimaha Afrika ee shirkadda Soma Oil and Gas uu ku socdo baadhitaan ku saabsan inuu xidhiidh dhaw la lahaa kooxaha xag-jirka ah ee Bariga Afrika oo ay ka mid tahay Al Shabaab.

Shirkadda Soma, ayaa loo ogolaaday 2013 in ay xeebaha Soomaaliya ka bilawdo hawlgal ay ku baadhayso saliid, halka  Agaasimaha Afrika ee shirkadan Xasan Khayre iyo Haward oo labadooduba ah wadaag lahayaal, ay  yihiin saddex qof ee ugu sarreeya ee Ingiriiska u fadhiya sida  laga helay faylal  kooxda baadhayaashu gacanta u dhigeen oo laga helay xarunta shirkadda.

Baadhitaankan ayaa qayb ka ah hawlgalka kooxda Kormeerista Qaramada Midoobay (UN-Monitoring Group) ku hayaan dhaqdhaqaaqyada shirkadda Soma ka waddo Soomaaliya. Shirkadan gaarka loo leeyahay oo ay maalgeliyaan xubnaha xisbiga Konserfatifka (Conservative part) ee dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale uu ku socdaa baadhitaan la xidhiidha fal dambiyeedyo dalka Ingiriiska ka dhacay oo ah wax is-dabbamarin iyo musuqmaasuq (Serious Fraud Office), xidhiidhna la leh xukuumadda Soomaaliya ee Xasan Sheekh.

Dhkumantigan sirta ah ee  dibada loo soo saaray ee Qaramada Midoobay diyaarisay  waxa naxdin ku noqday Xafiiska Arrimaha Dibada Ingiriiska oo saraakiisiisu kulanno la qaateen Guddida Fulinta shirkadda Soma sannadkii 2013 oo la yagleelaayey hawlgalka shirkaddu baadhitaanka saliida kaga bilaabaysay xeebaha Soomaaliya, kaasoo uu si gaar ah hordhac hawlgalka uga hadlay Mr. Haward.

Sannadkii 2014-kii, hoggaamiyaha Xisbiga Koonserfatifka Mr. Haward, ayaa Xogyaha Difaaca Ingiriska Mr. Michael Fallon u sheegay hawlgalkooda, kadibna u gudbiyey Wasiirka Ganacsiga Ingiriiska, sidaasna lagu aqbalay shaqada shirkadda Soma ay bilawday Soomaaliya, iyadoo dhiirigelin ka heshay Xafiiska Arrimaha Dibada Ingiriiska sida dhukumantiga Qaramada Midoobay ee sirta ah caddeeyey.

Sidoo kale, Warqad Qaramada Midoobay arrintan ku shaaciyey oo 17 February 2016kii u kala direen dibloomaasiyiin Ingiriis iyo Norway ah waxa ay muujisay in ay shaki aad u weyn ka qabaan in Xasan Khayre (Agaasimaha Shirkadda Soma) uu xidhiidh aad u dhaw la leeyahay kooxo xag-jir ah oo xidhiidhkiisa dhinaca elaktarooniga (Electronic Contact List) oo baadhitaan lagu sameeyey laga helay xidhiidho kooxahan argagixisada uu la sameeyey.

Sidoo kale, waxa uu dhukumantigan sirta ah sheegay in Xassan Khayre uu shirkadda ku dhex qariyey hawlo kale oo uu ku laaluushay saraakiil Soomaaliya ah.

“Waxa lala xidhiidhinaya Mr. Khayre in ay suuragal tahay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxe Xag-jir ah oo Bariga AFrika ka dhisan oo ay ka mid yihiin Harakat Al Shabaab Al Mujaahidiin (‘Al Shabaab’.)” ayuu yidhi Kooxda Qaramada Midoobay ee Kormeerista Soomaliya iyo Eratariya ka shaqaysa.

Kooxda Baadhitaanka Qaramada Midoobay waxa ay ka codsadeen dawladda Norway macluumaad la xidhiidha rikoodha bangi iyo xog kasta oo ay ka hayaan Xasan Khayre oo ku saabsan xidhiidhada uu la leeyahay argagixisada. Xasan Khayre waxa uu haystaa dhalasho Norwejiyaan ah, waxaannu ahaa Agaasime Goboleedka hay’adda NRC (Norwegian Refugee Council) iyo urur ballaadhan oo Oslo saldhigiisu yahay oo Bariga AFrika ka hawlgala.

Shirkadda eedaymahan culus UN-tu u jeedisay, ayaa sheegtay in aanay waxba ka ogayn baadhitaannadaas ay dawladda Norway iyo Ingiriisku ku hayaan iyo waliba baadhitaanno ku saabsan xidhiidh xubnaha ugu sarreeya la leeyihiin kooxo argagixisada, gaar ahaan Xasan Khayrse, kadib markii xubnaha Qarmada Midoobay ee baadhitaanka samaynaayey bishii January la soo xidhiidheen shirkaddu waxa ay sheegtay in ay u malaynaysay in baadhitaankaas ay wadaan Maraykanka iyo Norway.

Qaramada Midoobay waxay sannadkii hore daabaceen warbixin sheegaysa in shirkadda Saliida iyo Gaasta ka shaqaysa ee Soma ay bixisay lacag aad u ballaadhan oo ku salaysan heshiis dhinaca awood dhisida dawladda Soomaaliya ah, taasoo gacanta u gashay saraakiil xukuumadda ka mid ah iyo la-taliyayaal, kadibna sababta khilaaf aad u ba’an oo Soomaaliya ka dhacay 2013-kii.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u Qaabilsan dalalka dibada sida Soomaaliya iyo kormeeridooda, ayaa ka gaabsaday dhukumantigan sirta ah ee la helay inuu faahfaahin ka bixiyo.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Xafiiska Xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa sheegay in ay la socdaan khiyaamooyin iyo is dabo marino badan oo shirkadda la xidhiidha.

Shirkadda Soma waxay maamushaa shirkaddo dhinaca shidaalka xeebaha Jasiirada British Virgin Island ka hawlgala oo saliida soo saara, waxaana wadaaga ugu ballaadhan leh qoys Ruushka  ka taajiray shidaalka (Family of Russian Oil Services Billionaire) Mr. Alexander Djaparidze sida laga helay rikoodhada shirkada Soma, waxa kale oo ka mid ah dadka maalgashada ganacsade Lubnaan u dhashay oo la yidhaahdo Maxamed Ajami oo waqtigan laf ahaantiisa Waaxda Caddaalada Maraykanka (US Deparment of Justice)ku hayso baadhitaan la xidhiidha xidhiidho dhinaca hantida ah oo uu la lahaa hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammar Al-Qaddafi iyo waliba maalgelinta shirkad London ku taal oo la yidhaahdo Och-Ziff.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.