WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, March 3, 2018 (Saxafi) – Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha dibada Djibouti Maxamed Cali Yuusuf ayaa isugu sacab tumay dagaal ka dhan ah heshiiska dekeda Berbera ee ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World.

Raysal wasaare Khayre oo ka laabtay safar uu ugu maqnaa wadanka imaaraadka ayaa mar uu la hadlay warbaahinta shalay waxa uu sheegay inaanay dawlada Soomaaliya waxba ka ogayn heshiiskaas waxaanu yidhi “Waxaan shacabka Soomaaliya u cadaynayaa inaanay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya qayb ka ahayn  oo aan lagala hadlin oo aanay lug ku  lahayn cidina aanay nagala hadlin heshiiska dekeda Berbera, sida aad ku aragteen war saxaafadeedkii ay soo saartay wasiirka dekedaha oo ku baxay amarka raysal wasaaraha,  mawqifka dawlada federaalka ah waa mawqifka ku cad war saxaafadeedkaas, macnaheedu waxa weeyaan heshiis wal oo la galayo oo masiiri ah oo ku saabsan deked, khayraad ama bad meel kasta oo ay dalka tahay waxa u igman dawlada federaalka ah ansixintiisana waxa leh baarlamaanka.”

Raysal wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waa in loo soo maraa dariiqa dhabta ah, kaas oo ah in loo yimaado hay’addaha dastuuriga ah ee ku salaysan dastuurka ay leedahay umada Soomaaliyeed ee loo igmaday inay gali karaan heshiis noocaas ah.”

SomlegalAds

Sidoo kale raysal wasaare Khayre ayaa sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta waxaa uu ugu yeedhay amaanada ay u hayaan bulshada waxaanu yidhi “Ilaalinta midnimada, xoriyada iyo amaanada naloogu dhiibay umada Soomaaliyeed waa waajibka koowaad ee na saaran, waana muhiim haddii aanu nahay madaxda qaranka inaanu ilaalino amaanada ay umadu noo dhiibtay.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibada Djibouti ayaa si dad ban u soo dhaweeyay hadalka Raysal Wasaaraha Somalia, isagoo Barta uu ku leeyahay shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Twitter ku sheegay In dawladda Somalia qaadacday heshiiskan, isaga oo u muuqday inuu u meel jaanis u raadinayo dagaalka dawladiisa iyo Dp World ka dhaxaysa oo dabcan ay u arkaan inuu heshiiskan aanay dani ugu jirin. Dawladda Somaliland wax jawaab ah kama ay bixin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.