WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 24, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay ciidammada dawladda cagajiidka ah ee Soomaaliya ay jab kala kulmeen weerar ay saaka ku soo qaadeen ciidammada qaranka ee ku sugan jiida hore ee Tukaraq.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu soo saaray  wasiirka Warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka Xukuumadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu  war-saxaafadeedkiisaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  u dhignaa sidan:-

SomlegalAds

 “Saaka abbaaro 06:00-dii ayey ciidammada maammulka cagajiidka ah ee Dawladda Fedaraalka Soomaaliyaa isku dayeen inay soo weeraraan ciidammada Qaranka JSL ee uu fadhigoodu yahay jiidda hore ee Tukaraq iyaga oo is leh ka faa’iideysta xilli ay reer Somaliland, dad iyo dawladba, ku hawlan yihiin samata-bixinta dadkii ku tabaaloobey duufaannadii ka dhacay JSL.

Hase yeeshee waxa ay la kulmeen guul darro weyn, kaddib markii  ciidanka Qaranka Somaliland oo mar kasta heegan u ah difaaca qaranka ay markale dhirbaaxo weyn u geysteen ciidammadii naf la caariga ahaa ee Dawladda Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaanu  Ururka Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Qarammada Midawday iyo dhammaan ummadaha nabadda jecel u sheegaynaa in dawladda JSL ay jeceshahay joogtaynta nabad kuwada noolaanshaha, iyo deris-wanaagga. Hase yeeshee, aanay marna u dulqaadan karayn gardarrada joogtada ah ee ay ciidammada Dawladda Federaalkii ka wado soohdinta u dhaxaysa labada dal. Wa bilaahi Tawfiiq.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.