WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, February 23, 2016 (Saxafi) – Dawladda Federaalka Somalia, ayaa ka hadashay Xayiraaddii Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi loogu geystay Weftigii Raysal wasaaraha Somalia uu hoggaaminayay Sabtidii Toddobaadkan, iyagoo Garoonkaas ku ahaa Transit ay uga gudbayeen Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga si ay uga qayb-galaan shirka wada-tashiga HLPF ee Magaalada Istanbul ka dhacaya.

Inkastoo, Weftiga uu Hoggaaminayay RW Cumar Cabdirashiid, iyo Mas’uuliyiin DF ka Tirsan ay heleen soo dhaweyn, Haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee Weftiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Somalia ka tirsan. “Dowladaha Somalia & Kenya hore waxay u kala Saxeexdeen heshiis is-faham ah (MOU), kaas oo dhigayay in Xubnaha sare ee dowladda Somalia iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay helaan ogolaansho Dal-ku-gal – Waqti kasta oo ay u safraan Dalka Kenya, iyadoon dib u dhac lahayn, laakiin nasiib-darro dawladda Kenya way jebisay heshiiskaas, ” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaa War-saxaafadeedkeedan ku xustay inay ka sugayso Hoggaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur-daar rasmi ah iyo faahfaahin la xidhiidha dhacdadaas iyo sababta keentay Xanibaadda Wefdi heerkiisu sareeyo oo uu Hoggaaminayo RW Xukuumadda Federaalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia, waxay sheegtay inay ka fekereyso jawaabta ku haboon ee falkaas ay ka bixinayso. Waxaana hadalkan uu ku soo beegmayaa maalin kaddib markii garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo 20 saacadood ay ku Xayirnaayeen xubno ka tirsanaa wafdigii la socday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Sidoo kale, Ra’isal wasaaaraha Somalia Sharmarke ayaa sheegay inuu bixin doonno jawaab cad falkii ay kula kaceen madaxda Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi, Inkastoo aanu Caddeyn Jawaabta uu Falkaan ka bixinayo Nooceeda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.