WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, Febuary 3, 2018 (Saxafi) – Ciidanka Milateriga Somaliland, ayaa markii la aasaasay wax aka soo wareegtay 24 sannadood, iyadoo sanad-guurada 24aad ee Aasaaskoodu ku beegnayd Jimcaha shalay.

Cutubkii u horeeyey ee Ciidanka Qaranka, ayaa waxa la aasaasay 2-dii Bishii Feberuary ee sanadkii 1994-kii, markaas oo la qarameeyey Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee Beelaha iyo dagaalyahanadii Ururka SNM oo u badnaa Ciidan Tababaran.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ciidamada Qalabka sida iyo Qoysaskooda.

SomlegalAds

Taliye Taani ayaa  war qoraal ah oo uu soo saaray  ku sheegay “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan xubnaha ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland, Saraakiisha, saraakiil xigeenada, aliflayda, dablayda iyo xaasaskooda waxaan ku hambalyeynayaa munaasibada sanad guurada 24aad ee ka soo wareegtay markii la aa aasay ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland.”

Waxaan ilaahay uga baryayaa ciidamada qaranka somaliland inuu barwaaqo iyo bashbash ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa dhamaan ciidamada qaranka iyo xaasaskooda.”.

Xuska sanad-guurada 24-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxay sanadkan  ku soo aaday, xilli ay Ciidanku ku jiraan heegan dagaal oo ku wajahan xuduudaha Dalka, taasoo tan iyo horaantii bishii January ay Ciidamada Soomaaliya isku horfadhiyaan Deegaanka Tuka-raq oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen Ciidanka Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.