WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 7, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa digniin adag dul dhigay ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Gudoomiye Daa’uud oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan la aqbali doonin arday sadex sanadood ku soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sarre.

SomlegalAds

Ugu horayn guddoomiye Daa’uud oo ka hadlaya qorshaha uga yaala ardaydii ka soo booday fasaladii 8aad ee dugsiyada dhexe ayaa waxa uu yidhi “Guddi ayaanu samaynay waxaanan isla garanay oo aan waalidka iyo ardaydaba u sheegayaa in ardaygii dhamaystay afarta sanadood ee dugsiga sare hadduu rabo haka soo boodo dugsigii dhexe, waxaanu ka qaadaynaa imtixaankii dugsiga dhexe  ee fasalka 8aad, laakiin haddii uu soo dhamaystay afartii dugsiga sare wuu galayaa imtixaankiisa laguna ciqaabi maayo dugsigii dhexe ayaad ka soo booday oo imtixaanka dugsiga sare gali maysid, arrintaasna waanu ka soo dabacnay laakiin tii uu ka soo booday ee fasalka 8aad waa laga qaadayaa inta aanu ka dugsiga sare galin.”

Guddoomiye Daa’uud ayaa sidoo kale ka hadlay waxa laga yeelayo haddii ardaydu dhaco imtixaanka fasalka 8aad  “Haddii uu dhaco marka laga qaado imtixaanka fasalka 8aad halkuu tagayaa,  waxaanu ugu tala galnay inuu fadhiisto fasalka 3aad ee dugsiga sare, maadama oo uu sadex sanadood soo dedaalayey fasalkaas ayaanu fadhiisanaynay.”

Sidoo kale guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka shahaadiga ah ayaa meesha ka saaray inaanay imtixaan ka qaadayn arday dugsiga sare ku dhamaysatay sadex sanadood waxaanu yidhi “Waxaan ku talinayaa oo aan waalidka u sheegayaa in ardaydu haddii uu fadhiistay afarta sanadood ee dugsiga sare uu fadhiisanayo imtixaanka, laakiin waxa reeban ardayga aan dhamaysan afarta sanadood ee dugsiga sare inaanu galayn imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sare, wax sadex sanadood lagu dhamaysanayo oo aanu imtixaanka qaadaynaa ma jirto.”

 

 

 

 

digniin

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.