WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 19, 2017 (Saxafi) – Shantii cisho ee u dambeeyey waxa Somaliland laga dareemayey hoos u dhac uu samayanayey doolarkii, waxaana arrintaasi lagu sababeeyey Jaadka ka maqan wadanka ee dhinaca dalka Itoobiya ka iman jiray, kaas oo sannadihii u dambeeyay la sheegay in lacagta ay jaadlayaashu qaadka ku soo iibsadaan ahayd lacagta doollarka ah.

Gudoomiyaha sarifleyaasha Somaliland Axmed Xasan Awliyo ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid doolarkii ay sababteeda leedahay lacagtii adkayd ee Itoobiya loo gayn jiray oo hadda suuqii ku hadhay taas oo sababtay qiimaha dollar jabka oo u muuqda inuu hoos u sii socdo.

Axmed Xasan Awliyo oo ka hadlaya sababta keentay hoos u dhaca dollar waxa uu yidhi “Intii uu Jaadku socday kor u kac ayaa ku socday dollar hoos u dhacna waxay ku ahayd qiimihii lacagta Somaliland, boqolka doolar maalinba waxba ku siyaadayey, shantii cisho ee jaadku inaga joogsaday kor u kiciina wuu joojiyey hoos u dhacna wuu bilaabay, marka ninka jaadka ka ganacsadda kaash badan ayuu soo xarayn jiray waxa uu raadin jiray Doolar oo lacag adag ayuu Itoobiya u dirayey, laakiin imika jaadkii wadaniga ahaa ayaa la cunaa, baahidii lacagtii doolarka ahaa ee uu jaadluhu doonayey meeshay ka baxday,waxa meesha ka baxday kaashkii faraha badnaa ee jaadka la siin jiray iyo doolarkii habeenkii la raadin jiray ayaa meesha ka baxday oo imika doolar lama raadiyo doolar yaalana waxa kala qaata ganacsatadda Berbera uun baa dolarka sarifata”.

SomlegalAds

Sida sarifleyaashu sheegayaan maalin ka hor maalintii jaadku joogsaday waxa uu sarifku marayey milyan iyo labaatan kun, shalay galinkii horana wuxuu marayey sagaal boqol iyo sagaashan, halka uu xalay hoos u sii dhacay oo uu marayey sagaal boqol iyo sideetan kun oo shilling Somaliland.

Shantaasi cisho ee uu jaadku dalka ka maqnaa waxa uu dooollarkii hoos u dhacay afartan kun, waxaana laga yaabaa inuu hoos u sii socdo mudadda uu dalka ka maqan yahay.

Dadka arrimahan u dhuun daloolaha waxay sheegayaan tan iyo intii Itoobiya lacag adag ka dhigtay lacagta Jaadka ka soo gasha waxa dhaqaalihii Somaliland ku yimid wareer iyo hoos u dhac ku yimid Shiling-kii Somaliland, maadaama lacag badan oo doolar ah u baahdeen ganacsataddii Jaadka si ay Itoobiya u jaadka kale uga soo iibsadaan, taasina waxay dalkeena ku keentay sarif barar iyo in la kala waayo dollarkii.

Jaadkan laga joojiyey Somaliland waxay fursad u tahay shacabka Somaliland iyo xukuumadiisa si mar labaad hadii jaadka la furayo loo kala qorto heshiish,isla markaana aanay Somaliland ogolaan wax dhaqaalaha Somaliland burburinaya oo lacagtii ay Itoobiya u gaynayeen sababin in dhaqaalaha Somaliland hoos u dhicin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.