WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 31, 2018, (Saxafi) – Xisbiyadda Somaliland ayaa weli ku kala arragti duwan doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ee la qorsheeyay in la qabto bisha March ee sanadka danbe.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxaa uu ku doodayaa in aanay dhacayn in la qabto doorasho xisbigooddu ka maqan-yahay. “Addeer doorasho aan Waddan ku jirini dalka kama dhacayso. Komishankana dhexdhexaad nooma noqonayo. Waayo, Xeer beegti weeye, anagaa diidnay xeerka Soomaalida ee caadiga ahna haddaad tidhaa ii gelli maayo. Waa lagaa bedelayaa. Qoor qabad anagu doorasho ku geli mayno, waxaanu ku gelaynaa marka lana dhagaysto ee la soo fadhiisto ee lana dhagaysto.” Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Axmed Maxamed oo ka mid ah xisbiga Waddani oo ka qayb—galayay dood arrintan tv-ga Star ka qabtay.

SomlegalAds

Mar kale oo uu arrintan ka hadlay waxaa uu ku dooday in ay Danni ugu jirto in doorashaddu dhacdo. “Annagu danta waxaa ay noogu jirtaa in Baarlamaankan Fadhiidka ah iyo Golaha Deegaankaba la bedello…” sidaas oo ay tahay waxaa uu ku dooday in aanay ku galayn Guddiga doorashadda.

Faysal Cali Waraabe ooh ore u sheegay in aan loo joojin doonin ayuu naqdiyay sidoo kale. “Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku caan baxay in aanu arragtidiisa metelin. Mar walba Xukuumada jirta ayuu garabka saaraa, Markii UDUB jirtayna sidaas ayuu ahaa, intii Kulmiye ee hore iyo haddana sidaas ayuun buu yahay. Markaa, waxaanu u aragnaa annagu in xisbi mucaarad ahi sidaas u dhaqmo inuu dhib ku yahay dimuquraadiyadda iyo geedisocodkeedda.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur),

Laakiin, guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye waxaa uu ku dooday in Muran kasta oo jira, la qabanayaa doorashadda wakiillada iyo Golayaasha deegaanka bisha March, 2019.  Jaamac Shabeel. “Doorashada in la qabtaa waa khasab, xukuumadana waa ay ka go’an tahay. Wax kasta oo ay qaadanayso, baarlamaankani ma sii fadhiyayo meesha waa in Baarlamaan cusubi yimaadaa. Reer waddani waxaanu leenahay. Waxaa inoo taala arrin culus, oo wadahadalkeeduna meel wanaagsan inoo marayay. Waxaan leeyahay taas aynu xooga saarno, sidii Baarlamaan cusubi meesha u imman lahaana aynu xoogga saaro.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee UCID Maxamuud Cali Muuse (Jiir) ayaa isna sheegay in la qabanayo doorashadda. “Cabashadda Waddani waa in la dhagaystaa, waana la galayaa doorashadda. Waxaan leeyahay Xisbiga Waddani, doorasho deegaan iyo doorasho baarlamaan toona hore umaydaan gelin.  Waxaa golaha idiinku jira, Xubno UCID ahaa oo xataa guddoomiyihiina ayaa ku jiray ee doorashadda Baarlamaanka galla.” Ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.