WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 21, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horuumarinta Jidadka  Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa waxa uu ka hadlay Maamulka Hawada ee lagu Wareejiyey Dawladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka Somaliland ahaan ay diyaar u ahaayen in si Isfahan uu ku jiro ay u wada maamulaan Somaliland iyo Soomaaliya labaduba Hawada balse waxa uu sheegay in aanay Soomaaliya arinkaasi diyaar u ahayan isla markaasina ay baal martay, waxaana uu sheegay dhankooda ka Somaliland ahaan in ay qaadi doonaan talaabooyin muhiim u ah.

Wasiirka oo ugu horeyn arrimahaas ka hadlaya ayaa  yidhi: “Sida aynu Warbaahinta ka maqlaynay waan arkanay in nimankaasi xafiis ay ka furteen muqdisho runtiina marka laga hadlaayo Hawada waa arin xaasxaasi ah oo maaha wax Somaliland iyo Soomaaliya  khaas u noqon kara Diyaaradaha marayaa waa Diyaarado Caalami ah, bidqabka Hawaduna waxa weeyaan, waa arin muhiim u ah Caalamka oo dhan isusocodkiisa waxaad ogtihiin Wadamada Khaliijku qayab ka mid ahi in Hawadoodii Diyaaradaha ka xidheen, waxa kale oo jira Yaman dagaal ayaa ka socda oo Diyaaraduhu ma maraan, Hawada Ilatariya iyo Jabuuti laftooda wax ka jira colaado oo Diyaaradahu ma maraan, Itoobiya iyo Ilatariya laftoodu sidaa ayey ahayad mudo, markaa khadka kali ah ee bidqabka ah ee la maraayey waxa uu ahaa khadkan Somaliland iyo Soomaaliya, 12 Ruud ayaa Somaliland dusheeda mara, halka ay Koonfurtana ka maraan 7 Ruud, anagu waxaanu ku dadaalaynay si isqancin ah in hawshaa loo wada maamulo, laakiin waad ogtihiinoo Dawlda Soomaaliya iyadu marnaba diyaar uma aha in aynu si nabadgalyo ah hawlaheenu ku dhamaadaan, Hawada lafteeda waxan u malaynayaa waa waxay uga wadaan, markaa waanu arkaynaa inaguna hadaynu nahay Somaliland ahaan, Somaliland Dawladeedu waxaynu ku Khasbanahay wixii kale inoo banaan in aynu yeelno, kolay khatarna waxa ay ku keenidoonataa mustaqbalka bidqabka Diyaaradihii maraayey Hawadeena iyo Hawadoodaba haday go’aankaas kaligood qaataan, kulankii ugu danbeeyay ee Nayrobi  ka dhaca ee ay UN-tu ina dhexdhexaadinaysay waxay aqbaleen in ay dib ugu soo noqdaan wixii heshiisyadeenii hore, lakiin nimankaasi niman diyaar u ah maaha, inaguna kolay waxaynu ku khasbanaanaynaa wixii inoo banaan in aynu yeelno.”

SomlegalAds

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo la weydiiyey eedaymaha sheegaya in Xukuumadihii kala danbeeyay ee Xisbiga Kulmiye ay iyagu Masuul ka ahaayen in Hawada laga Maamulo Magaalada Muqdisho, waxa uu yidhi: “ runtii eedaasi waa eed jaban  aniga ilama aha sababtoo ah waxan taariikhda la yidhaadaa waa in ay hagtaa, isma lihi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo Madaxweynaheenii hore mujaahid Axmed ooo isaga oo xil Dawladeed haya  Wasiira ka tegay si uu Dalkan xuquuqdiisa u soo dhiciyo, in uu xuquuq uu leeyahay hadana dib u celin karo iyo Muuse oo aad ogtihiin Madaxweynaheena jooga maanta oo isaguna mujaahid ah Dalku waxa uu leeyahay Xuduudo Badeed  iyo mid Bari iyo Mid Cirba ilama aha sadexdaa midnaba niman gorgortan galin karaaya oo cid kale kuwareejinaaya in ay jirto, eedaasina waa eed jaban waxna kama jiraan runtii .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.