WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland September 26, 2016 (Saxafi) – Shirweynihii labaad oo dalalka aan la aqoonsan oo loogu magac daray Dialogue of Nations ayaa maalintii shalay ka furmay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Shirkan ayaa warku sheegay in lagu marti qaaday xukuumadda Somaliland in ay ka soo qayb gasho, iyaddoo waddamada ka qayb galayaa ay yihiin dalalka gooni isu taagay ee ka jira aduunka oo dhan.

warka-shirwaynaha-rushka-3Shirkan ayaa la sheegay in ujeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa wakiiladda ka socda kooxaha ama dhaqdhaqaaqyada waddamada u dooda aayo-ka taashiga iyo madax-banaanidda umaddahooda.

SomlegalAds

warka-shirwaynaha-rushka-1Wasiiru dawlaha arrimaha dibada Somaliland Maxamed Mixile Boqore oo fariin maqal iyo muuqaal ah oo lagu soo bandhigay shirkaas diray ayaan tilmaamo cad ka bixim sababta ay Somaliland uga baaqatay ka qayb galka shirkaasi, balse waxaa uu farriintiisa xoogga ku saaray xog la xidhiidha taariikhda Somaliland oo uu faah-faahiyay iyo mahadnaq uu u diray dawladda Ruushka oo shirkan marti-galisay, isla markaana si toos ah ugu marti qaaday Somaliland. Iyaddoo waddamada kale ee ka qayb galay shirkan ay ka mid yihiin Catalonia, Northern Ireland, Western Sahara, Scotland iyo kuwo kale. Ururka shirkan wadda ayaa la aas-aasay sanadkii hore ee 2015 waxaana lagu magacaabaa Anti Globalist Movement,  xaruntooduna waxa ay ku taal magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.