WorldRemitAds

Brussels, Belgium, July 05, 2018 (Saxafi) – Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Crans Montana Forum oo ku saabsan arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaaradda Africa, aminga badaha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka Qaaradda Afrika

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiiro, Raysal-Wasaareyaal iyo Madaxweyneyaal hore ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madaxtooyada Gabon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mali

SomlegalAds

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa halkaa ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa isagoo wasiirku si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland door muhiima uga qaadatay amniga qaaradda gaar ahaan dhinacyada badaha (Maritime) iyo xuduudaha.

“Somaliland waxa ay muddo 27 sannadood ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Afrika” ayuu Mr. Liibaan Yuusuf ku yidhi khudbadiisa.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xusuusiyey beesha caalamka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimaheeda la eego maadaama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba.

Ka dib markii uu kalanku u soo dhamaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa uu kulamo gaar gaara la yeeshay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Abkhazia iyo Maayarka Khusumi ee caasimadda Abkhazia waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo unki lahaa xidhiidh ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo Abkhazia iyadoo dawlada Abkhazia halkaa ay marti qaad iyo casuumad rasmi ah ugu fidisay in wefti ka socda Somaliland ay safar ugu kicitimaan wadanka Abkhazia bisha August ee soo socota.

Sidoo kale waxa uu kulan gaara la yeeshay wasiir ku xigeenku safiirka dalka Taiwan u fadhiya Belgium isagoo wasiirku xog waran ballaadhan ka siiyey horumarka Somaliland iyaga oo isla afgartay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada beeraha, ka faa’iidaysiga tamarta qoraxda, waxbarashada iyo dhinca socdaalka iyo dal ku galka.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sidoo kale kulan ballaadhan la qaatay xubno ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub isaga oo wasiirku uga xog waramay xaaladda dalka ee hadda waxaanay xubnahaasi ballan qaadeen inay sii wadi doonaan taageeraadooda Somaliland ee dhinaca aqoonsiga iyo inay fariinta Somaliland gaadhsiiyaan Baarlamaanka Yurub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.