WorldRemitAds

Dubai, UAE October 30, 2014 (Saxafi) – Shir lagaga hadlayay la dagaalanka Budhcad badeeda ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaladda Dubai ee Isu-taaga Imaaradka Carabta.

Shirkan oo ka dhacay Huteel lagu magacaabo Marriot Marquis Dubai ayaa waxaa lagu marti qaaday ama ka qayb gashay wufuud gadhaysa ila 1000 qof oo ka kala socda dalalka aduunka iyo ururo caalami ah, saraakiil ka tirsan ciidamadda ka howl-gala Gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah weerarada Bad Jiifka. Waxana uu ahaa shirweynihii Af-raad ee arrintan beesha caalamku kaga wadda hadasho.

Dawladda Somaliland oo ka mid ah waddamada danayneeya la dagaalanka budhcad badeeda ayaa waxaa shirka goob joog uga ahaa oo u matalayay aggasimaha u qaabilsan hayada la dagalanka budhacad badeeda Maxamed Cisman Axmed In kasta oo aanay Xukuumaddu hore u shaacin ka qaybgalkeedda shirkan. Halka dhinaca kale ay fadhiyeen oo ay ka barbar muuqdeen kana qayb galeen shirkan wasiirka arrimaha dibada u qaabilsan Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayleh, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas, Cabdi Qaybdiid oo ah madaxweynaha Galmudug iyo maamulka Jubaland.

SomlegalAds

Shirkan waxaa uu socday laba maalmood, waxaana natiijadiisa lagu go’aamiyay arrimo ay ka mid yihiin in la dhiiri galiyo dhalinyaradda oo shaqooyin loo abuuro iyo arrimo ku xoojinta ciidamada badaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.