WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland June 7, 2018 (Saxafi) – Dawladda Somaliland ayaa soo dhaweysay lacag deeq ah oo uga timid Soomaaliya, taasi oo lagu caawinayo dadka ay saameysay duufaantii ku dhuftay deegaano ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Halkan Milyan ee Dollar ee Guddiga Gurmadka Qaranka Soomaaliya ay ku yabooheen ay gaadhsiin doonaan dadkii loogu tala-galay.

SomlegalAds

“Inagu waa soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax inagala qabanaysa, Inagaba bishii October 2011-kii waan u gurmanay markii ay Abaartu ku dhufatay, Sagaal boqol oo kun ayaan u dirnay, marka cid walba oo wax nala qabanayso waan soo dhaweynaynaa,” ayuu yidhi Dr Sacad. Waxaana uu intaas raaciyay in uu saxayo hadal la xidhiidhay deegaanadda ay saameysay Duufaantu oo uu tilmaamay inay ahaayeen Sanaag, Saaxil, Selel iyo Awdal.

Wasiirku waxaa kale oo uu xusay in lacagtani aanay si toos ah ugu dhici doonin khasanadda Somaliland, maadaama ay tahay deeq loogu yaboohay shacabka dhibaateysan ee ay saameyeen roobabkii fatahaadda watay iyo duufaantu.

Dr Sacad ayaa carabka ku dhuftay in dhamaan lacagta lagu wareejin doono Guddiga Gurmadka ee Somaliland, si ay u gaadhsiiyaan dadkii loo soo dhiibay.

Warkan ayaa ku soo beegmay waqti maamul goboleedka Puntland oo ka mid ah dalka Somalia ee deeqdan ku yaboohay uu muujiyay sida uu uga soo horjeeddo wax Somaliland gaadha oo dhaqaale ah.

Gudi isku magacaabay guddiga difaaca Puntland ayaa sheegay in deeqda lacageed ay u arkaan mid ay dawladdoodu ku garab-siinayso Somaliland dagaalka gobolka Sool ee ay ku sugayso xuduudkeeda. Iyagoo tan kaga jawaabayay Farriin dawladda Somaliland hore u shaacisay oo ay kaga digtay cawaaqib xummada ka dhalan karrta dagaalka Huwanta Somalia ka wadaan gudaha dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sool. Waxaana hadalkan loo fasiri karraa dhinaca kalle, mid maamul goboleedkani doonayo inuu ugu yaraan isku muujiyo oo ku sheego inuu jiro oo ka mid yahay Somalia, ka dib markii dawladda Somaliland soo hadal qaadi weyday.

 

 

 

 

soo dhaweysay lacag

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.