WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, May 6.2019 (Saxafi) – Xaaladda nololeed ee qoysas badan oo ku sugan degaanno badan oo dalka Somaliland ah ayaa khatar ugu jira inay ku burburaan qiimo dhaca Doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ee Xukuumadda Muuse Biixi iyo shirkadaha isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ka shaqayeen iyadoo aan loo meel dayin isbeddelka lacagahaasi ku keeni karaan bulshada dalka.

Sida la ogyahay nolosha qoysas badan oo reer Somaliland ah, ayaa ku tiirsan dhaqaalaha noloshoodu badi ku tiirsantahay oo ay ka helaan eheladooda debedda ama qurbaha ku nool. dhaqaalahaasi ama lacagahaasi oo ku soo gaadha doolar, waxayna lacagtaasi marka ay u bedeshaan shilinka Somaliland badi ku fillayd noloshooda, hase yeeshee maanta doolarka loo soo diraa ma daboolayo baahidooda nololeed wakhtigan oo bisha Ramadaan la galay. Saamaynta isbeddelka lacagahaasi ku keeneen qoysaska ayaa si caadi ah looga arkaa suuqyada iyo sarriibadaha hooyooyinku ka adeegtaan halkasoo ganasatada yaryari wax kaga iibiyaan qiimihii ay kaga iibin jireen wakhtigii qiimaha doolarku ahaa tobanka kun ee Somaliland shilin ah halkii Doolar, sidaa darteedna maanta doolar ama shilinka Somaliland uma goynayo waxay ku iibsanayeen afar bilood ka hor waxayna arrintani muran badan kala dhex dhigtay qoysas badan oo dhaqaale darro ka dhaxlay isbeddelka lacagahaasi.

SomlegalAds

In kastoo maamulka khasnadda dawladda ama baanku soo hadal qaaday arrintan hase yeeshee waxaad mooddaa inuu weli ku faanayo kor u kaca shilinka balse aanu fahamsanayn ama dareensanaynba dhibta bulshada dalka ka haysata awoodda shilinka dalka loona baahnaa inay qiimo ku dhaw ama kii hore ku sargooyaan shillinka dalka mar hadii aanay hoos u dhgi karayn maciishadda dadweynaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.