WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, July 28, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in rajjo weyn ay ka qabaan in horumarrinta dekeda Berbera horseedo maal-gellin dibadeed iyo shaqo abuur hor leh, isla markaana ay Somaliland saameyn xoog leh ku yeelato isbedelka socda gobolka Geeska Afrika.

Warbixin dheer oo ay daabacadday wakaallada Wararka ee AFP, islamarkaana ku soo baxday warbaahin kala duwan oo caalamka ah shalay, oo haddalkan wasiirku ku jiray ayaa waxa lagu bilaabay in magaladda Xeebta ah ee Berberi si tartiib-tartiib ah ugu siqayso inay door muhiim ah ka qaadato marrin biyoodka badda Cas oo ah kan afraad ee ugu muhiimsan dunnida oo dhan ee baddeecaddaha caalamku marto.

SomlegalAds

Warbixintu waxaa ay tilmaantay in Somaliland rajjo ka qaybto in horumarrinta Dekeda Berbera horseeddo horumar iyo inay rumayso riyadda nolol barwaaqo ah iyo Aqoonsi caalami ah.

Warku waxaa uu sheegay in heshiiskani bishii March ee sanadkan u gudbay in saamiga heshiiska Dekedda Dubai DP World qaadato saami ah 51% iyo Itoobiya 19% boqolkiiba.

Somaliland Saameyn Ma Ku Leedahay Is Bedelka Ka Socda Geeska AfrikaDP World ayaa sheegtay inay qorshaynayso in ay dhaqaale gaadhaya $ 442 million (377 million euros) ku casriyayso dekedda, Islamarkaana la kordhiyo marka ugu horeysa 400 mitir oo laba jibbaaran (4,300 dhudhun laba jibbaaran). Hawshan oo bilaabmaysa bisha October ayaa la filayaa in ay qaadato 24 bilood. “Waxaa ugu weyn ee aan ka filayno in aan k helno horumarinta dekedda waa shaqo. Waxaan filaynaa in la hello maal gallin badan oo shisheeye si ay … dhalinyaradda shaqooyin loogu hello iyo dakhliguna u kordho,” ayuu yidhi Saad Ali Shire, Wasiirka Arrimaha dibadad ee Somaliland. Wasiirku waxaa uu tilmaamay in Dekedu ay tahay isha ugu muhiimsan daqliga dawladda.

Siciid Xassan Cabdillaahi Maareeyaha dekedda Berbera oo isna la weydiiyay ayaa sheegay in Is bedel weyni socdo, Islamarkaana dekedda shaqadeedu haatan korodhay intii shirkadda DP World la wareegtay Dekeda, Islamarkaana ay helleen macmiil cusub iyo in adeegga ay qabataa laba-jibaarmo. “Heshiisku waxaa uu keenay in tiradda Koontiiradda ah ee soo marra dekedu uu laba jibaaro oo uu gaadho 100,000 oo labaatanka Foot ah, qiyaasta Cabirka Maraakiibta, (TEUs),”

Waxaana uu tilmaamay in ay Berberi gaadhi doonto Dekeda Djibouti oo ay sanadkii ka dagaan 980,000 TEU.

Warku waxaa uu sheegay in arrintani aanay Somaliland oo kali ah Danni ugu jirin, balse ay sidoo kale Ethiopia ka faa’iidayso dhaqaale ahaana ay dadkeedda 100-ka Milyan ka badan ee billaa badda ahi kobci doonaan.

Warbixintani iyadoo sii amba-qaadaysa Somaliland Saameyn-ta ay ku yeelatay Mandaqadda, waxaa ay tilmaantay in Dekedda Berberi wax ka bedeshay ama dib u qaabaysay siyaasadda Geeska Afrika iyo Badda Cas. Waxaana, ilaa 95% baddeecadaha Ethiopia u marayeen Dalka Djibouti tan iyo Ethiopia ay isku dhaceenEritrea oo ka baddii kala goday 1993-kii.

Laakiin, wixii ka danbeeyay heshiiskii DP World, Ethiopia iyo Somaliland ee dekeda Berbera, waxaa soo kordhay wadda hadal iyo heshiis cusub oo dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, waxaana ay taasi wado u furtay Dekedaha Massawa iyo Casab.

“Somaliland, saddexdii sanadood ee la soo dhaafay raad muuqda iyo kaalin wax ku ool ah ayay ka ciyaartay marka ay timaado arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga,” Sidaas waxaa yidhi Axmed Sullayman oo ka mid ah xarunta cilmibaadhista ee Chatham House ee London.


“Waxaan qabaa in la aqoonsan doono Somaliland mar uun. Waayo, waa xaq aanu u leenahay sharciyan, Xaq Taariikhiyan ah iyo…” Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland


Warbixintu waxaa ay tilmaantay in sidaas oo ay tahay heshiisku ka cadhaysiiyay Somalia. Laakiin, taasi aanay hor joogsan.

Wasiirka Arrimaha dibada ayaa tilmaamay in heshiisku saameyn ku yeeshay wadahadalada u dhexeeya Muqdisho iyo Hargaysa, kaas oo la filayay in uu dib u bilaabmi doono bishii March.

Waxa uu sheegay in DP World ay u muujiyeen kalsooni Somaliland, iyadda oo muujisay rajo taas oo dhiiri gelin karta kalsoonida dawladdaha iyo in la helo aqoonsi rasmi ah. “Waxaan qabaa in la aqoonsan doono Somaliland mar uun. Waayo, waa xaq aanu u leenahay sharciyan, Xaq Taariikhiyan ah iyo sidoo kale xagga Mooraalkaba,” ayuu yidhi Shire.

Joogitaanka DP World ee Berbera Sidoo kale waa calaamad ka mid ah kordhinta gallaangalka sii kordhaya ee dalka Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika. Waxaana si weyn u soo shaacbaxday danaha istiraatiijiga ah ee muhiimka ah saddexdii sano ee la soo dhaafay, Sada uu qabbo Sulaymaan.

Waxa kale oo lagu xussay warbixinta dagaalka Yemen, iyo xullufada waddamada Khaliijka. Iyaggoo tilmaamay in Somaliland tahay ciyaartoy muhiim ah, marka laga hadlayo is bahaysiga Turkiga iyo Qatar oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah UAE, Sacuudi Carabiya, Bahrain iyo Masar.  “Dabcan, in ciidamo shisheeye carradaada jooggaan mar walba halis waa leeyihiin,” ayuu yidhi Sacad Cali Shire”(Laakiin) waxaan aaminsanahay in faa’idooyinku ay ka badanyihiin halista”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.