WorldRemitAds

Abu-dhabi, UAE, March 16, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada ay ka wada hadleen dawladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ugu tageen booqasho rasmi ah oo qaadatay muddo lix maalmood ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo dib ugu soo laabtay dalka Khamiistii, ayaa ka hor intii aannu soo ambabixin kulan ballaaadhan oo uu jaaliyadda reer Somaliland ee Imaaraatka kula yeeshay magaalada Abu-dhabi waxa uu ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay safarkiisa, xaaladda dalka, qodobada ugu waaweyn ee xukuumadda u hirgelay muddada sannadka ah ee ay jirtay iyo duruufaha horyaala Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee ay dawladda Imaaraatka Carabta ka wadahadleen ay la xidhiidhaan qodobo hore looga wadlay oo la dardargelinayo iyo waxyaabo labada dal iska kaashanayaan, waxaannu xusay inay hadda meel wanaagsan marayaan dhammaan heshiisyadii hore ay u wada galeen dalalka Somaliland iyo Imaaraatka Carabtu, gaar ahaan qodobbada ku saabsan sidii xoolaha Somaliland ay saylad uga heli lahaayeen dalka Imaaraatka iyo sidii Baasaboorka qaranka Somaliland ay Imaaraatku u aqbali lahaayeen, isla markaana loo furi lahaa suuqa dhallinyarada labada dal kasoo kala jeeda oo baahi u qabta inay si xor ah shaqo uga helaan labada waddanba.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo faahfaahinayey qodobada ay ka wadahadleen Imaaraatka iyo siday u kala muhiimsanaayeen waxa uu yidhi, “Qodobka koowaad ee aannu kala hadlanay wuxuu ahaa arrinta xoolaheenna in loo furo suuqyada Khaliijka oo Imaaraatka nagala hawlgalaan sidii dalka Sucuudigu u furi lahaa, iyaguna ay u furaan suuqyadooda, markaa Sheekhu waxa uu nagu yidhi ballanqaaday inay hawshaa galayaan, toddobaadkana waxay dalkeenna u dirayaan ganacsatadooda.

Arrinta labaad waxay ahayd Baasaboorka Somaliland inay naga caawiyaan inuu noqdo mid la qaadan karo adduunka oo waxyaabaha shuruudaha la innagaga dhigay ay innaga caawiyaan. Arrinta Baasaboorku waxa uu dhexgalay dagaallada iyo loollanka adduunka ka socda, waxaannu se filaynaa Insha Allah siday noo ballanqaadeen ilaa bisha July inuu Baasaboorku soo baxo.”

“Waxaanu kala hadlanay in dadka reer Somaliland maadaama ay labadeena dal ay saaxiib yihiin in suuqooda loo furo dhallinyaradeena kuwa dalkooda jooga iyo kuwa dalkeenna joogaba, waraaqaha iyo dhukumentigoodana loo fududeeyo, hase ahaatee arrintaasina waxay ku xidhan tahay dhukumentiga qofku sito, si qofkii reer Somaliland ah ee halkan (Imaaraatka) looga duwo kuwa kale waa inuu yeesho dhukumenti gaar ah loo isla ogyahay, laakiin maadaama aannu weli Baasaboorkii sameysnayn ma suurtogelayso in qofkii suuqii shaqada la geliyo.

Sidaa darteed, wadahadalkayagii waxaannu ka codsannay in dadka jaamacadaha gudaha kasoo baxay ee Somaliland jooga, gaar ahaan kuwa cilmiga Baatroolka iyo hawlaha kale ee halkan ka bannaan kusoo takhasusay in tixgelin gaar ah naloo siiyo inay halkan yimaadaan oo dhukumentiga ay sitaanba lagu siiyo sharci, odaygiina wuu naga abqalabay, kuwii la joogayna wuu faray, Jaamac (Wasiirka Macdanta Somaliland) oo macdanta qaabilsanina 40 (Afartan) uu sheegtay halla soo qaado baa la yidhi,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay bilaabmeen mashaariicdii waaweyn ee ay hore ugu heshiiyeen Somaliland iyo Imaaraatka, waxaannu yidhi, “Waxa Ilaahay mahaddii ah in ballantii iyo lacagteedii fushay oo la bilaabay dekeddii Berbera, maanta dekeddii waa la bilaabay hawsheediina way socotaa 400M (Afartii boqol ee mitir-na) ee dekeddana waa la dhammayn doonaa insha Allah laba sanno gudahood. Qoddobka kale ee aynu berigaas ku heshiinnayna waxa uu ahaa waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, waddadaasina way bilaabantay lacagteediina way soo diyaariyeen, waxana aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu haya xilliga gu’ga, gaar ahaan kuwa biyahoodu xawliga ku socdaan in laga bilaabo.”

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dhinaca kale, Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga ka mid ahaa, ayaa kadib markii Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtay warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa, waxaannu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraatku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraatka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, Macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska,  horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraatka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.