WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 8, 2016 (Saxafi)-Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland, waxay dugsiga Sare ee Nuuraddiin qaybtiisa Hablaha u gaarka ah, ay ku soo gebagebaysay Olole Qaran oo Bilihii ugu dambeysay ay fulisay Wasaaraddaasi, iyada oo ololahaasi lagu horumarinaayey dhinaca Deegaanka gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo dhirbeerid si bilicda kor loogu qaado barnaamij dhireyn ah lagu sameynaayey.

Xafladda Wasaaradda Deegaanku ay shalay ku qabatay Xarunta Dugsiga Sare ee Nuuraddiin Girls School oo ah qaybta waxbarashadda sare ee Hablaha u gaarka ah, oo u jeedadeedu aheyd soo gebo gebaynta Barnaamijka Dhireynta heer qaran ee Wasaaradda deegaanku bilihii ugu dambeeyey Caasimadda Hargeysa ka waday dugsigaasi lagu soo afmeeray isla markaana dhawr boqol oo geed lagu wareejiyey Hablaha wax ka dhigta dugsiga Nuuradiin, waxa ka soo qaybgalay Xafladdaasi Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Somaliland Miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandre, Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane, Guddoomiye ku xigeenka Mashruucaha Horumarinta Somaliland ee (SDF) Najax Aadan, Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Maamulaha Dugsiga Sare ee Hablaha Nuuraddiin Schools Ismaaciil iyo madax iyo Marti sharaf kale, ayaa ka qaybgalay Xafladda ay wasaaradda deegaanku dhirta ku guddoonsiisay Hablaha waxka barta dugisag sare ee Hablaha Nuuraddiin dhigta wax ku bartaan waxaana sido kale lagu soo gebo gebeeyey barnaamijkii dhireynta ee mudada dhawrka bilood ah ay Caasimadda Hargeysa Wasaarada deegaanku ka waday.
Ujeedadda Ololaha Dhireynta ee Wasaaradda Deegaanku mudada waday, ayaa aheyd sidii kor loogu qaadilahaa wacyi-gelinta bulshadda ee ku aadan ilaalinta iyo kor uqaadista deegaanka iyo sidii loo horumarinlahaa bilicda goobaha waxbarashadda Somaliland. Intii ololahani socday waxa la qaybiyey 60. 000 oo Geed oo loo qaybiyey ilaa 40 dugsi iyo 4 Jaamacaddood oo ku yaala Magaaladda Hargeysa oo ah halka ololahani ka socday waxa hal ku dheg looga dhigay Geed Beer, waxaana fulinaysay Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF), wasaaraddu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaranka ay uga masuul tahay, waxay go’aansatay inay daboosho baahi balaadhan oo ka jirta goobaha waxbarashadda iyo Masaajidadda oo aan laheyn dhir ku filan, waxayna furtay qabashadda araajida codsiyadda dhir cusub oo lagu beero goobaha waxbarashadda iyo Masaajidada iyada oo lagu xidhay Shuruudo la xidhiidha badbaadada iyo joogteynta koiritaanka dhirtaas, gaar ahaan helidda Biyo lagu waraabiyo iyo in laga ilaaliyo Xoolaha iyo wixii kale ee dchibaato soo gaadhsiin karaba.
Wasiirka deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo hadal ka jeedisay muhiimadda Barnaamijkan dhiirigelinta iyo sida uu ku bilaabmay ayaa tidhi “Sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) waxa uu ka taageeray Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Mashruuc ku qotoma horumarinta deegaanka kaas oo ka kooban Saddex qodob oo kala ah. 1. Xoojinta Awoodda Maamulka ee Wasaaradda Deegaanka ee ljauraadla Dabiiciga ah. 2. Dhismaha iyo qalabeynta Xafiisyo cudub oo laga hirgelinayo Xarunta dhexe ee Wasaaradda ee Hargeysa iyo gobladda iyo Degmooyinka sida Saylac. Boorame, Berbera, Sheekh, Ceerigaabo iyo Laascaanood, 3. Asaasida Lix urur Bulsho oo maamula Kaymaha iyo Lix goobood oo Xanaanaynta iyo Abqaalida Dhirta oo ku kala yaala Hargeysa. Boorame. Ceerigaabo. Laacsaanood. Burco iyo Sheekh oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhawaad 60. 000 oo qof.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF/Somaliland Development Fund) oo ah deeq lacageed oo ah in lagu caawiyo. Dawladda Somaliland hirgelinta mashaariicda horumarineed, waxa maalgeliyey Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska ee (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmarka ee (DANIDA), iyo Dawladdaha Norway iyo Netherlands, wixii faahfaahin ah ee dheeraad ahna kala xidhiidh, Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shkuri Xaaji Ismaaciil Baandre ama Booqo www. somalilanddevelopmentfund.org  oo aad ka helayso Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
 Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane oo isagu ka mid ahaa Masuuliyiinta shalay ka qaybgalay Munaasibadda gunaadka aheyd ee Wasaaradda deegaanku Dhirta ku wareejisay qaar ka mid ah Hablaha wax ka barta Dusgisa sare ee Nuuraddiin Girls School oo halka ka hadlay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Gudsiga sare ee Nuuraddiin gaar ahaan qaybta hablaha dhirtaasi lagu wareejiyo Siidhka dhireynta iyo horumarinta Bilicda Caasimadda ee magaaladda Hargeysa isaga oo hoosta uga xariiqay ahmiyadda ay nolosha aadamaha iyo gaar ahaan umadda reer Somaliland uu leeyahay deegaanka iyo beerista in la helo dhir tiro badan oo qurux iyo Baayada noloshuba ku xidhan tahay sida darteed la xafido oo la daryeelo dhirta ay wasaaradda deegaanku u qaybisay ardaydaasi oo arday kasta uu xafido oo waraabiyo geedka loo dhiibay si uu ha dhaw u noqdo mid taabo gal noqda oo la anfacsado deegaankana qurux ku soo kordhiyo.
Ugu dambeyntiina Munaasibada shalay waxa Hablo tiro badan oo ka mid ah Ardayda Hablaha Labadda Kun ka badan ee wax ka barta Dugsiga Sare ee Qaybta Hablaha Nuuraddiin Girls School lagu wareejiyey munaasibada loo qabtay dhir loogu talo galay inay mid kasta gurigooda iyo meelaha ku haboon ee ay ku xanaaneyn karto ay ku beerto oo ilaalisa si uu baxo, iyada oo uu sida ku soo gebo geboobay Mashruucii Direynta ee ay Maalgelisay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF/Somaliland Development Fund) oo ay Bilihii ugu dambeeyey 40 dugsi iyo 4 Jaamacadood ka fulinaysay wasaaradda Deegaanka iyo horuamarinta reer Miyiga Somaliland oo mudadaasi dhir 60. 000 Geed ka badan u qaybsiy ardayda dugsiyada iyo Jaamacadaahaasi wax ka dhigta oo hada la soo gebo gebeeyey mashruucaasi Wacygelinta ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.