WorldRemitAds

London, UK, July 07, 2018 (Saxafi) – Fadhigii Baarlamaanka Britain ee khamiistii ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana Wasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain, Penny Mordaunt, wax laga weydiiyey sababta Ingiriisku taageero u siin waayey Somaliland oo saaxiibtinimo soojireen ahi ka dhexayso.
Siday baahisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Xildhibaan Bob Stewart oo ah Mudane laga soo doorto degmada Beckenham oo ku taalla koonfur bari ee magaalada London, kana tirsan xisbiga Conservative Party,-ga, ayaa sheegay inuu Somaliland indhihiisa ku soo arkay oo ay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska oo la odhan jiray “British Somaliland”, waxaanu weydiiyey wasiirka kaalmada dibadda Britain Mrs. Penny Mordaunt, waxay u caawin waayeen Somaliland. oo uu caddeeyey inay tahay saaxiib weyn oo mar walba garab taagan Ingiriiska.
Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain, Penny Mordaunt, ayaa sheegtay inay xildhibaanka uga mahadcelinayso su’aasha uu weydiiyey ee ku wajahan Somaliland, waxaanay shaacisay inay Somaliland ka caawiyaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bini’aadanimo isla markaana wax kala qabtaan dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.
Wasiirka mucaawimada dibadda UK, waxa kaloo ay intaas ku dartay inay dawladda Ingiriisku taageerto Guddida doorashooyinka Somaliland si ay u hirgeliyaan hawlaha doorashooyinka.
Xildhibaan Bob Stewart oo ah mudane waayo arag ah, waxa uu ka mid yahay xildhibaannada Ingiriiska ee taageera ee sida dhow ula socda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu golaha Baarlamaanka UK ku jiray tan iyo 2010kii. Waxaanu hore uga tirsanaan jiray ciidammada millatariga Ingiriiska, waxaanu ka gaadhay derajada Kornayl.
Dawladda Ingiriisku waxay maalgelisay kor-joogtadii caalamiga ahayd ee ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, waxaanay warbixintii kama dambaysta ahayd ee goobjoogeyaashii caalamka ka socday ka marag kaceen in si dimuqraadi ah oo xor ah ay u dhacday doorashadaasi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.