WorldRemitAds

Barkhad-ladiif M. Cumar Labaddii shirweyne ee u dambeeyey ee hoggaanka cusub lagu dooranayey ayaan ka  mid ahaa ergooyinkii wax dooranayey, isla markaana matalayey ururadda ku bahowday Daladda Dhalinyarada ee Sonyo.

Labaddii shirweyne ee u dambeeyey ee hogaanka cusub lagu dooranayey ayaan ka  mid ahaa ergooyinkii wax dooranayey, isla markaana matalayey ururadda ku bahowday Daladda Dhalinyarada ee Sonyo.

marka eegto ururadda ku midoobay ee samaystay daladda SONYO lama odhan karo shakhsiyaad baa dambaaba, haseyeeshee waxa hadda noqotay in dadkii wakhtigii aasaaska bilaabay aanay wali ka gaboobin amaba lahaanshaha Sonyo isa siiyeen, taas oo noqonay in sonyo shakhsiyaad leeyihiin.

SomlegalAds

Daladdo badan ayaa jira laakin lama odhan karo shakhsiyaadkii wakhtigaa sameeey uun baa wali ka amar ku taaglaynaya, ama maamulaya, mararka doorashadu socota waxa dhagahaaagu maqlayaa gobol heblaayo wax loo diray odayaashoodii oo ay ula jeedaan raggii ururada lahaa oo kaliya ay soo diraan laba xubnood oo dhalinyaro ah, kuwas aanay wax go’aan ah ku lahayn taladda balse lala xajoonayo raga ururada madhan dabadda haysta.

Ururada aan ka hadlayo waxa iska leh shakhsiyaad danahooda ka horumarinay danta caam iyo fahankii dhalinyaradda, kuwaas oo mar walba laabta u garaaca lahaanshaha daladda, iyagoo aad Arkayso inay mar walba ku faanayaan inay yihiin aasaasayaashii daladda.

Dunidda kale marka koox aasaasto urur waxay ku wareejiyaan hadba jiilka jooga ee la jaanqaadaya wakhtiga la jooga, laakiin SONYO way ka duwan tahay tobaneeyo sanno raggii aasaasay baa ilaa hadda dabadda haya, isla markaana cid walba ka xigtaysta lahaanshiiyaha daladda qaran ee dhalinyaradda.

Maxaan ka faa’iiday ka qaybgalka shirarkii SONYO:

Labaddii door ee u dambeeyey ( 2013-kii iyo 2015) oo aan ka qaybgallay waxaan ka bartay casharo badan oo ay mid yihiin khiyaamo, been, iyo iskooxaysi danno gaar ahaaneed ah.

Marka shirweynaha doorashaddu dhacayaan waxay u muuqata uun in doorashaddii madaxweynenimadda oo kale dhacayso waayo olole balaadhan iyo kharash badan oo aan xad lahayn ayaa dhaca, waxana bilaha u dambeeya dhaca jahawareer iyo seexan waa, iyadoo mar walba oo ay so dhowaato doorashaddu xasaasiyadda doorashaddu kor usiii kacayso.

Waxa loo kala Baxa Koox kooxo iyo gobolo gobolo, iyadoo gobol walba ay rag jiraan oo daba fadhiisto oo wax laga waydiiyo cidda ay degmadaasi u codaynayso, iyadoo aan wax talo la waydiinayn xubnaha u socda ururadda ay matalayaan, haseyeeshee, shakhsiyaadkii aasaasay wakhtigii SONYO ay yihiin kuwo wax laga waydiinayo oo loo yaqaan odayaasha deegaankaasi.

Way yartahay urur si madax banaan iskaga hubinaya musharaxa uu rabo inuu codka siiyo iyo sabab uu ku qiimaynayo oo aan ka ahayn degmadasi waxay wadata hebel oo ay ka faa’iidasanayaan shakhsiyaadka leh ururkaasi.

Haseyeeshee, ururka ka socday wuu ka duwanaa ururadda kale, waxaana nahay ururka kaliya ee si cadaaladda ula kulma musharaxiinta, isla markaana musharx walba waraysta wuxuu ka qabanayo daladda, taasina waxay ku cadaynaysa in aanu ururkayaga qof lahayn balse dhalinyaro  ku bahowday, isla markaana halka Ra’iyoogu u bato u codeeyo, kuwaas oo aan danno kale ka wadan, mararka qaarkood waxa dhaca in aan xiitaa kulamadd aanu la yeelanayno musharaxinta aanan ka ogolaan inay cashadda bixiyaan si aanan u noqon qof wax cunay cishoo, iyadoo inta badan musharaxiintu lacagta ku bixiyaan casho iyo kulmadda gaar gaar ah ee ay la galayaan ururadda.

Sidoo kale, waxa musharaxiinta u sheegna marka horaba in aanu qof kasta oo musharax ah la kulmayno, isla markaana aanay cidna u dabranayn, isla markaana aanan ka mid ahayn ururadda shakhsiyaadka u xidhan, iyadoo ay adag tahay in urur musharx la kulmay mid kale la kulmo waayo waxay u dabran yihiin shakhsiyaadka leh oo halka uu isagu dan moodo uun ururka geynaya,taasina wax anfici kara maaha.

Sidoo kale, dano badan iyo faa’iiido u gaar ah ururkayagu aanu ka lahayn oo aanay wali cidi yeelan  kana madax banaan yahay kooxyadda jira ayaa inta badan noo suurogalisay in si aan dhuumasho lahayn qarsoodina ku jirin munaafaqnimana ka dheer tahay ula kulanno musharaxiinta intay doonaanba ha ahaatee, anagoo mid walba u sheegn in hebel la kulmi doonno.

Halka laga yaabo in ururadda kale si dhuumasho ah oo warkooddu cadeyn kolba musharax gaar ah qol madow kula kulmaan, aaraadooduna cadeyn, mararka qaarkoodna kolba musharaxa jira been u sheega oo u munaafaqeeya, taas oo ah arrimo ceeb ku ah inay dhalinyaro ku kacdo.

Sida hore u soo sheegay gobol walba waxa  khuurta ku haysta shakhsiyaad isku danno ah kuwaas oo shuruud ku xidha codkoodda, haseyeeshee, gobolka Saaxil ayuun baan ku arkay inay madax banaanaa shakhsiyaadkii ku shaqayn jiray ee gobolkaaasi inuu gacantiisa ugu jiro laabta u garaaci jiray kuwo is hayaan, waxaanay ururadda ka jira gobolka Saaxil si cad ugu sheegeen musharaxiintii in aanay jirin cid ay u dabran yihiin, isla markana ay geed iskaga xidheen shakhsiyaadkii caanka ku noqday inay ku amar ku taagleeyaan magaca gobolka Saaxil.

Talaabadaasi uu qaaday ururada gobolka Saaxil ayaa noqonaya talaabo hore loo qaaday, isla markaana meesha ka saari kara shakhsiyaadka ku gaamuray ee mgaca gobolada iyo degmooyinka sheegta ee wax kaga cuna ama dunahooda kaga fushadda codkii gobol heblaayo ayaan hayaa.

Gunaanad:

Daladda SONYO waxa laga filayey inay noqoto madal dhalinyaradda lagu tobabaro hogaanka wanaagsan iyo loolanka xalaash ah, haseyeeshee haddii dhalinyaradii lagu tobabaro sidiii lixdankii awoowyaasheen u dhaqmi jireen ee ahaa in qasab ku taageerto halka reerkiinu maro iyo danno aan ku salaysan danno caam ah.

Talabaad waxa ahayd in Ururadda SONYO laga shaqaysiiyo, isla markaana noqoto madal dhalinyartu ku sii hirato oo lagu faanno, isla markaana dhalinyaradda la baro in la doodi karo, la is dhaliili karo iyo in  danaha gaar ah laga horeysiiyo danaha caamka ah si mustaqbalka u soo baxaan dhalinyaro hogaan toosani.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.