WorldRemitAds

Ottowa, Canada, December 20, 2016 (Saxafi) – Laba Hablood oo walaalo ah oo lagu dilay magaalada Ottowa ee dalka Canadda ayaa shalay lagu aasay magaaladaasi ka dib markii la soo qabtay ninkii dilay oo isna Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo Muscab Cabdiraxmaan Nuur.

Labadan hablood ee walaalaha ah oo magacyadoodda la kala odhan jiray Nasiibo iyo Asma, ayaa ninka dilay waxaa uu diiday in uu ka soo muuqdo maxkamad-da maalintii Axad-da, waxaana lala tiigsaday sharciyada koowaad iyo kan labaad ee lagu soo oogo dadka gaysta danbiyada caynkan oo kale ah.

Maydka labadan gabdhood ayaa la helay abaaro sagaalkii 9-kii Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ka dib markii booliska laga soo wacay meel ku dhow guriga uu dilkani ka dhacay oo ku yaala jidka McCarthy ee magaalada Ottawa.

SomlegalAds

Qaraabada iyo ehelada labada gabdhood ee geeriyooday ayaa sheegay in Muscab uu dhanka maskaxda ka jiranaa ayna macquul tahay in taasi ay sababtay dilka uu u gaystay labada gabdhooda, iyadoo isbitaalka loo qaaday si looga soo daweeyo dhaawacyo yar-yar oo Muscab gaadhay ka hor intii aan la xidhin.

Boqolaal Somali ah oo degan magaalada Ottawa ayaa isugu yimid masjjidka  Jami Omar si ay salaad-da jaanasada ugu tukadaan labada gabdhood ,iyadoo booliska uu sheegay in Muscab uu diiday in uu ka soo baxo qolka lagu xidhay ,waxaana la dul-dhigay kaamirooyin si looga ilaaliyo in uu is dilo.

Ugu danbayn, labada gabdhood ayaa lagu aasay Xabaalo muslimiinta u gaar ah oo ku yaala magaalada Ottawa, waxaana si aad ah loo hadal hayaa dilka gabdhahan, iyadoo arintan ay ka dagi la’ dahay in badan oo kamid ah Somalida ku dhaqan dalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.