WorldRemitAds

Xiiqda iyo xasaasiyada neef mareenka ee dadka badankoodu ugu yeedhaan, sanboorku waxa ay ka mid yihiin, xanuunada haleela habdhiska neef mareenka aadamiga, kuwaas oo habka loo daweeyaana u badan tahay, dawooyin kaar jabin ah oo qofku qaato.

Haddaba baadhitaano kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xanuunadan oo si fudud oo deg deg ah ugu kaca dadka ay hayaan, aanu soonka iyo af xidhnaanta Ramadan saamayn ku yeelan isla markaana aad u yareeyo Soonku.

Sida cilmi baadhis la xidhiidha soonka iyo saamaynta uu ku yeelan karo, bukaanada qaba xanuunadani tilmaamayo, soonku wuxuu aad u yareeya xiiqda marka ay heerka fudud taagan tahay, waxa kale oo uu yareeyaa xasaasiyada deg dega ah ee qofka ku keenta cabudhka iyo sanboorka.

SomlegalAds

Cilmi baadhistan oo lagu sameeyay bukaano ka caban jiray xanuunadan oo soomay bisha barakaysan ee Ramadan, ayaa la ogaaday in ay ka raysteen wax badana iska badalay sidii xaalkoodu ahaa.

Soonka ayaa baadhitaano tiro badan oo lagu sameeyay lagu ogaaday in difaaca jidhku si wayn u kordho inta uu qofku sooman yahay, waxaana difaaca jidhka ee xoogaystay keenaya in qofku xanuuno fud fudud oo hayay jidhkiisu ka xoog roonaado oo difaaca jidhku iska xoreeyo.

Baadhayaasha sameeyay cilmi baadhistan oo ka kala tirsan jaamacado badan oo dunida ah ayaa isla qiray in xiiqda iyo sanboorku ka yaraadan dadka qaba, marka ay sooman yihiin iyo xitaa marka ay afuraan ee habeenkii.

Hasa yeeshee dadkaas kuma jiraan, kuwa xanuunkoodu fogaaday, ee oxygen ta isticmaala iyo kuwa kale ee qaadanaya dawooyinka dhakhaatiirtu u qortay, sida kuwa nuuga neefta xiiqda iyo kuwa dawo joogta ahi u qoran tahay.

Kaliya xaaladahan Soonku wax ka taro ee la baadhay ayaa ah, xaaladaha fudud ee aan wali gaadhin heer dawo joogto ah loo qaadanayo.

Akhriste ogow in baadhitaanada caafimaad ee laga sameeyo dunidu wada ahayn kuwo sida wax looga arkay u dhamays tiran, waxaana qof kasta oo bukaan ah aanu kula talinaynaa in marka uu akhristo baadhitaan ama daraasad la sameeyay uu haddii xanuun la sheegay inuu ficil ama shay la cuno lagaga bogsan karo, uu ka hor intaanu tijaabin la tashado dhakhaatiirta caafimaadka ee xalaadiisa ka warka qaba, si aanay noloshiisu halis u gelin.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.