WorldRemitAds

Natiijada Ciyaartii Horyaalka Heerka Koowaad ee dalka Ingiriiska “Premier League” oo dhexmartay kooxaha Southampton vs Liverpool, ayaa ku soo dhammaatay 1-3.

Kooxda Liverpool, laguna naaneyso Reds (Casaan) ayaa guul soo laabasho dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Southampton oo gool kaga hor martay isla markaana iska caabin xoogan kala hortimid.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Southampton oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ka baxsanaya ayaa gool kaga hor martay Liverpool isla bilawgii kulankan.

Laakiin intii aanay qaybtii hore dhamaan ayuu Naby Keita awooday in uu kooxdiisa Liverpool ciyaarta dib ugu soo celiyay. Hase yeeshee tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayay Liverpool dishay rajadii Saints ee sida fiican ku bilaabmatay kadib markii uu Mohamed Salah noqday xidiga quluubta Southampton ku jabiyay goolka labaad.

Balse Southampton oo la wareersan goolkii labaad ee Mohamed Salah ayuu Jordan Henderson raaciyay goolka saddexaad ee ay Reds sida buuxda ugu dishay rajadii ay Saints ka qabtay in ay wax dhibco ah ka hesho kulankan.

Liverpool ayaa ku soo laabatay hoggaaminta Premier league waxayna markeeda kaalinta labaad u soo dirtay Man City waxaana hadda Reds u hadhsan shan kulan oo kaliya iyada oo ka soo badbaaday imtixaankii Southampton.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE Southampton vs Liverpool:

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson, Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson, Georginio Wijnaldum, Naby Keita, Fabinho, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Keydka: Dejan Lovren, James Milner, Jordan Henderson, Alberto Moreno, Simon Mignolet, Xherdan Shaqiri, Divock Origi.

SOUTHAMPTON (3-5-2): Angus Gunn, Jannik Vestergaard, Maya Yoshida, Jan Bednarek, Yan Valery, James Ward-Prowse, Pierre-Emile Hojbjerg, Oriol Romeu, Ryan Bertrand, Shane Long, Nathan Redmond.

Keydka: Alex McCarthy, Jack Stephens, Charlie Austin, Sam Gallagher, Stuart Armstrong, Matt Targett, Josh Sims.

Qaybtii Koowaad ee Southampton vs Liverpool

Liverpool ayaa kulankan iskeentay iyada oo doonaysay in ay dib ugu soo laabato hoggaaminta Premier league halka kooxda Southampton ay kulankan timid iyada oo hamigeedu ahaa in ay ka sii baxsato kaalinta saddexaad ee Premier league lagaga hadhayo kadib in Huddersfield iyo Fulham ay horeba horyaalka Premier league uga hadheen.

Southampton vs Liverpool – Guushii Soo Laabashada Ee Reds, Dabaaldegii Salah Iyo Soo Celinta Hoggaaminta Premier League
Long oo goolka kooxdiisa u dhaliyay

Kooxda Southampton ayaa iska caabin xoogan kala hortimid Liverpool laakiin kooxda Jurgen Klopp ee Reds ayaa qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liitay oo aad uga fogaa heerkii ciyaareed ee looga bartay xili ciyaareedkan.

Daqiiqadii 9aad kooxda Southampton ayaa Liverpool kaga naxsatay goolka furitaanka kaas oo uu Long sida ugu sahlan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay P. Højbjerg wuxuuna difaaca Reds ku fashilmay in ay Long calaamadiyaan taas oo keentay in uu markiiba ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Saints hoggaanka kula wareegtay.

Liverpool ayay ku adkaatay in ay jawaab degdeg ah bixiso iyada oo Southampton si wayn iskugu habaysay difaaca kooxdeeda isla markaana kubbada weerar soo laabasho ah ku raadinaysay gool labaad waxayna Reds u muuqdeen kuwo ay wax badan ka khaldan yihiin.

Southampton vs Liverpool – Guushii Soo Laabashada Ee Reds, Dabaaldegii Salah Iyo Soo Celinta Hoggaaminta Premier League
Naby Keita oo goolka barbardhaca u keenay kooxdiisa Liverpool

Daqiiqadii 36aad Naby Keita ayaa ugu danbayn kooxdiisa Liverpool ka saaray dhibaatada ay ku jirtay wuxuuna u keenay goolka barbaraha kaas oo ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool ee uu Premier league uga dhaliyay wuxuuna goolka ku saxeexay kubbad caawin uu ka helay Alexander-Arnold.

Fursad abuuris iyo dadaal aan yarayn oo ay Liverpool soo samaysay waxay ugu danbayn ku soo laabtay ciyaarta waxayna markan bilaabeen in ay ka fikiraan sidii ay ciyaarta gool labaad uga raadin lahaayeen balse qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii Labaad ee Southampton vs Liverpool

Southampton vs Liverpool – Guushii Soo Laabashada Ee Reds, Dabaaldegii Salah Iyo Soo Celinta Hoggaaminta Premier League
Naby Keita oo diilinta ganaaxa lagu dhex tuuray iyo murankii ka dhashay in rigoore loo qabto Liverpool

Liverpool ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta dardar xoogan la soo baxday laakiin Southampton ayaa awooda kooxdeeda iskugu gaysay sidii ay difaacasho u samayn lahayd waxaana Reds ku adkaatay sidii ay difaaca Southampton ku jabin lahayd.

DAQIIQADII MURANKA: Daqiiqadii 58aad Naby Keita ayaa kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Southampton laakiin waxa isku soo tuuray difaaca Saints ee Yoshida waxayna Liverpool ku dooday in uu rigoore sax ah ahaa laakiin garsooraha ayaa isla markiiba si adag u diiday.

Daqiiqadii 59aad Klopp ayaa ciyaarta hal mar soo wada galiyay Jordan Henderson iyo James Milner wuxuuna saaray Wijnaldum iyo Alexander-Arnold iyada oo Milner uu difaaca midig qabtay.

Southampton vs Liverpool – Guushii Soo Laabashada Ee Reds, Dabaaldegii Salah Iyo Soo Celinta Hoggaaminta Premier League
Mohamed Salah oo kadib goolkii uu ku badbaadiyay dhibcaha guusha ee kooxdiisa Liverpool u dabaaldegay si cajiib ah

Daqiiqadii 80aad Mohamed Salah ayaa ugu danbayn ku soo laabtay gool dhalinta Premier league wuxuuna gool qurux badan kooxdiisa Liverpool kaga fujiyay xaalada adag ee ay ku jireen kadib markii uu kubbad ka helay Henderson isla markaana uu shabaqa Southampton taabsiiyay, iyada oo Mohamed Salah uu si cajiib ah ugu dabaal degay goolkan.

Mohamed Salah ayaa waqtigii inta ugu badan ay kooxdiisa Liverpool u baahnayd waxa uu la soo baxay saamayntii uu la aamusnaa kulamadii ugu danbeeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Liverpool dhinaca kale ugu dhigtay ciyaartii goolka lagaga hormaray.

Southampton vs Liverpool – Guushii Soo Laabashada Ee Reds, Dabaaldegii Salah Iyo Soo Celinta Hoggaaminta Premier League
Jordan Henderson oo u dabaaldegay goolka saddexaad ee damaanada u noqday guusha Liverpool

Daqiiqadii 86aad Jordan Henderson ayaa murugo ku sii abuuray kooxda Southampton kadib markii uu kabtanka Reds dhaliyay goolka saddexaad ee ay Liverpool jilbaha dhulka ugu dhufatay kooxdii ay iska caabinta layaabka leh kala kulantay ee Saints wuxuuna Hendo goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Roberto Firmino.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Liverpool ayaa markan ciyaarta ka dhigay 3-1 ay si si buuxda iskugu hubsatay saddexda dhibcood ee ay rafaadka badan u soo martay waxayna iska caabintii waqtiga dheer ee Southampton ay ka dhigtay hal bacaad lagu lisay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Liverpool u soo dubatay kooxda Southampton ee goolka kaga hormartay waxayna guushani Reds ka caawisay in ay kaalinta koowaad ee Premier League ku soo laabtay isla markaana ay cadaadiska ku wareejisay Man City.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.